Muse Biixi oo Berbera kaga baxay taageero la’an ayaa lacag ku bixiyey in tuulada Abdaal ee Berbera u dhow xaflad loogu qabto si xumadu uuga degto. Xafladii laba garab bay u kala jabtay oo midna diidanyay midna ogolyay. Garabkii ka soo hor jeestay ee diidanaa taageerada Muse Biixi waxay isku dhaceen bileyskii oo isku deyey inay ku qasbaan xaflada hase yeeshee uumay suurta gelin. Halkaa waxa ka dhashay dhawaac fara badan oo loola cararay cusbitaalka Berbera.
Somaliland ay Muse Biixi waakaa. Berbera waxa Muse Biixi ka qabsaday waxaannu filanayn oo shir wal oo uu la galay reer Saaxil waxa loo cadeeyey in ay ciil u qabaan oo aanay wax taageero ah u ahayn. Muse marka aannu Silaanyo ku daba gabanayan sidaa iyo si kadaran bay bulshadu uuga dareertaa. Waxa maanta inagu cusub ciidamadii iyo dadkii diidanaa in ay taageero u muujiyaan oo dagaal dhex maray dhibaatana labada dhinac ba soo gaadhay. This is just the tip of the ice berg. Hadaan Muse dalka laga qaban waxa la arki wadanka oo dhan oo holcaya oo qiiq ka baxayo gobol wal iyo degmo walba.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com