

Gaadiid kala duwan oo iskugu jira xaajiyado nooca dagaalka ah iyo weli ba sida oo kale Laan-guurasallo looggu tallo-galay in lagu galo ololaha Doorashada soo socota oo ay dusha kaga dahaadhan yihiin sawirada Murashaxiinta KULMYE Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylaci, ayaa laga soo dejiyey dekadda magaalada Berbera.
Sida ay noo soo xaqiijiyeen shaqaalaha dekadda magaalada Berbera, ayaa waxa ay sheegayaan in 13-gaadhi oo uu lee yahay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana iskugu jira kuwa dagaalka iyo kuwo kale oo ay ku gelayaan ololaha Doorashada, in maalmo ka hor laga soo dejiyey dekadda magaalada Berbera, waxaana ay carabka ku dhufteen in gaadiidka nooca dagaalka ah ee KULMIYE la soo degay ay yihiin Xaajiyado u qaabeysan saanad dagaal kuwaasi oo dhammaantood ba leh meelahii kala duwanaa ee laga ga rakibayey qoryaha waaweyn sida oo kale na ay yihiin noocii ugu dambeeyey ee dawladda Jabaan ay u sameyso adeegsiga dagaalka.
Shaqaalaha dekadda magaalada Berbera oo codsaday in aan magacyaddooda la sheegin, ayaa sida oo kale waxa ay tilmaameen in gaadiidka kale ee KULMIYE kala soo degay dekadda Berbera ay yihiin Laanguruusallo, gaar ahaan nooca loo yaqaano VX-yada, ku waasi oo tiradoodu dhan tahay 7-gaadhi oo ay dusha kaga dahaadhan yihiin sawirada Murashaxiinta KULMIYE, waxaana ay iyagu na u gaashaaman yihiin siddii Xisbiga KULMIYE uu ugu geli lahaa olalaha Doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
Dhanka kale, warar xog-oggaal ah oo iyaga na aanu ka helayno saraakiil ku sugan magaalada Berbera, ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in dhammaan ba gaadiidkaas tiraddoodu dhan tahay 13-ka gaadhi aanay dekaddu wax cashuur ah ka qaadin gaadhi kaliya, iyaga oo xusay in gaadiidkaas dekadda Berbera laga ga soo qaadaayo Koontiindharro isla mar ahaantaana iyaga oo qarsoodi ah la soo gelinaayo magaalada Hargeysa halka wararka kale na ay tilmaamayaan in gaadiidkaas si caadi loo soo gelin doono Hargeysa.
Ugu dambeyntii, xogaha kale ee na soo gaadhayaa, waxa ay sheegayaan in gaadiidkan uu lacagtooda bixiyey ganacsade Maxamed Aw-Siciid, ganacsato iyo qurba-joog ay isku hayb yihiin Muuse Biixi, iyada oo sida oo kale na lacagtii cashuurta ee dekaddaas na ay cashuur dhaaf u soo sameysay wasiiradda wasaaradda Maaliyadda Somaliland.