Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Jawaab ku socota Cali Guray

$
0
0

As, salaan kaib waxaan doonaya in aan jawaab kooban siiyo Cali Guray oo ah afhayeenka Muuse Biixi, fikirkii u ku so qoray mareegtada bulshada.

Marka hore Cali Guray waxaan u sheegaya mala sarbeebta siyaasada la isku waydaarsaday saxaafada maad fahmin ama waxaa laga yaaba inaad dhan kale ula booday, marka aad C/raxmaan Ciro waydiinayso su aalaha ka baxsan madasha.

Arinta Callow laga hadlay maaha arin halgan khusaysa ama dagaalkii dalka lagu xoreeyay ka hadlaysa ee waxay ahayd fariin siyaasadeed o ay ku jirto bajin iyo cago juglayn.

Muuse wuxuu mar hore yidhi C/raxmaan Ciro ILKA XANAF ayaa la soo hadla oo xamar kala soo hadla, arintaa Callow Muuse wuxuu ula jeeday wad fahantay dadka siyaasada falanqeeyaana way garanayaan ujeedada hadalkaas loola jeedo, hadii aan kuba fasiro wuxuu Muuse ula jeeday Ilka xanaf iyo C/raxmaan waa isku reer, laakiin Callow wali C/raxmaan Muuse kuma odhan inaadeerkaa oo ah maanta RAYSAL WARAASE KU XIGEEN o ah INA CARTE QAALIBA ayaa xamar kaala soo hadla habeen walba, iyada oo aad waliba adigu shakhsiyan arintaa saxaafada ugu sheegtay oo aad tidhi MAALIN WALBA XAMAR AYAA LA IGALA SO HADLAA O INAADEERKAYBA IGALA SO HADLA, taaso la garanaayo cida aad ula jeedo.

Iyada oo ay sidaa tahay hadana mar qudha cidi kuguma sheegin in aad faderal tahay waayo adiga iyo inaadeerka kala fikir ayaa tihiin, raga halkaa inaga tagay ee joogaana waa rag hunguri iyo imaan la aani qaaday, e su aashu waxay tahay Muuse Biixi iyo adiguba waxaa aydun raga ay isku qabiilka yihiin C/RAXMAN Ciro loogu shaanbadeeyo reerka oo dhan, halka kuwiinana uga bari yeeshaan, bal su aasha adigu iiga so jawaab.

Arinta kale ee meesha aanad fahmin Callow waxa weeye ama aad is dhaafinaysaa,Muuse Biixi wuxuu dad shacbi ah o somalilanders ah oo dalka dhiigoodii iyo naftoodi u soo huray o waliba isaga iyo adigaba kaaga halgan badnaa oo ahaa waliba ragii min CERGAABO ILAA LOOYADA CADO xoreeyay oo aad garanysid adiga iyo Muuse, lagu laayay mar marsiyo been ahaa oo MUUSE BIIXI hormoodka, ka ahaa, ayuu maantana dooonayaa inuu dib u soo celiyo. hadalkaas o ahaa mid wixii ka dhacay la ogaa iyo wuxuu dhiig iyo dhaqaalaba ku burburay, miyaanay ahayn nin xoqaaya nabarkii u gaystay ee aan cidi waxba ka waydiin ee la isa saamaxay

Muuse maanta hadii u cid FADARAL ku sheegaayo isaga ayaa ah waayo INAADEERKII AYAA ah ninka ugu sareeya somalilander ee jooga XAMAR, hadii u shalay C/RAXMAN CIRO inaadeerki ahaa, su aasha aad waydiinayso CIRO maxaad shalay marxuum CIGAAL u waydiin waydo MUjaahidnabada aad qadarinaysidna adiga iyo MUUSABA maxaydun shalay u qadarin waydeen markaad QORIGA U SIDATEEN GUDOOMIYIHII SNM EE WALIBANA DALKA XOREEYAY ee Marxuum CABDIRAXMAAN AXMED CALI

AFHAYEENKA XISBIGA WADANI EE DANMARK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>