Maayirka iyo ku xigeenka caasimada Hargeysi waa labo masuul oo ku guul daraystay shaqadii ay shacabka magaalada Hargeysi u doorteen waxa loo baahan yahay in xubnaha golaha deegaanka caasimada dalku ay shir degdega ka yeeshan labadan saaqid waa maayir cabdiraxman solteco iyo cabdi casiis cagaweyne ,waxaana golaha u soo jeedin lahaa inay si degdega looga qaado xilka ay golaha iyo caasimada dalka u hayaan , waxaana anigu ku dhaliilayaa waa labada masuul ee ku guul daraystay inay dhamaystiraan wadada halbowlaha u ah caasimada waa wadada earporka waana isha iyo muuqalka ugu horeeya ee isha caalamku ay ku dhacayso marka wadanka la soo galo ,
Runtii mudadii ay xilka hayeen labada masuul waxa xad dhaafay musuq-maasuq iyo boobka hantida guud ee caasimada sida boobka garoomada iyo goobihii danta guud taas oo qofkasta looga baahan yahay difaaca hantida guud ee dalku leeyahay sida darteeda waa in labadan ay goluhu ka tashadaan si loo badbaadiyo hantida umada leedahay .
Shantii sanadooda ay golaha joogeen shaqada golaha deegaanku waxay ahayd mid fadhiida taasan waxa tusaale u ah inay wadaadii 150 ee waqooyi hargeysa ay dayac iyo baba ka jiro taas waxa ka daran qashinka caasimada buux dhaafay ee goob kasta yaal , sida darteeda caasimadu waxay u baahan gurmad
Qalinka : Gedi bade
Seattle Washington
Email: gedibade039@gmail.com
↧
Maayirka iyo xigeenka Hargeysi way ku guul daraysteen shaqadii loo doortay .
↧