Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Bashe Morgan oo la wareegay awoodii dalka oo doonaaya in uu khasab ku marsiiyo……

$
0
0

Hargeysa,(Qaran-news)-Qorshe dawladda imaaraatka loogu ogolaanayo saldhig milatari oo ay ku yeelato Somaliland oo uu wato wiilka uu madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay ee Baashe Cawil ayaa la filayaa in dhawaan la horkeeno oo laga ansixiyo Golaha Wakiilada .Baashe Cawil oo masuuliin ka tirsan dawladda Imaaraatka hore ugu balanqaaday ogolaanshaha saldhigaasi ayaa haatan damacsan inuu kaga dhabeeyo meelmarinta qorshehaasi isagoo isticmaalaya awoodii madaxweyne Siilaanyo.Inkastoo ay dadweynaha reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan saldhigyo milatari oo dalka laga bixiyo,hasa yeeshee lama filayo in Baashe Cawil tixgaliyo arintaasi.Waxa kale oo ka sii daran oo layaab leh iyadoo aanay jirin wax shuruud ah sida aqoonsi uu Baashe Cawil ku xidhay Imaataatka oo ay Somaliland dhaafsanayso ogolaanshaha saldhigga oo aan aheyn dano isaga u gaar ah.

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>