Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Talo Ku Socota Marwada Somaliland Aamina Wersi.

$
0
0

Talo Ku Socota Marwada Somaliland Aamina Wersi.

tan iyo markii uu madaxweyne siilaanyo ku guuleystay xilka madaxweynenimo ayaa marwada kowaad ee somaliland Aamina Weris waxay samayn balaadhan ku lahayd gobolka saaxil,iyada oo had iyo jeer isku dayaysay in arimaha gobolka saaxil iyada looga danmbeeyo taasina ay horseeday in gobolku noqdo gobolka ugu liita dhinaca horumarinta arimaha bulshada isla markaana waxa la sheegay inay marwadu iska hortaagto wax kasta oo lagu horumarinayo gobolka iyada oo sheegtay in ay haboon tahay in adeegyada arimaha bulshada laga fuliyo gobolada kale,marwada ayaa ku dooda in gobolka saaxil ay iyada masuul ka tahay oo wax kasta oo laga qabanayo ay tahay in lagu war geliyo oo aysan xukuumadu ka fulin karin wax adeegyo horumarineed ah gobolka saaxil.

waxa kale oo la sheegay in aamina wersi ay cadaadis balaadhan iyo is hortaag ku samayso in  uu madaxweyne siilaanyo u magacaabo masuuliyiin fikir wanaagsan leh oo horumarin kara gobolka saaxil,isla markaa daraasan dhawaan ay sameeyeen koox cilmi baadhis ah oo ka soo jeeda gobolka saaxil ayaa daaha ka feyday in shaqaalaha dawlada ee ka soo jeeda gobolka saaxil ay ku yar yihiin dawlada oo aan haba yaraatee tan iyo intii uu siilaanyo ku guuleystay madaxtinimada ay yarayd shaqaale ka soo jeeda gobolka oo la qaatay ,waxa kale oo daraasadaasi iftiimisay inay yar yihiin masuuliyiinta xilalka hoosa ka haya xukuumada siilaanyo ee ka soo jeeda gobolka saaxil kuwaasi oo inta jitaana aysan hayn xilal fiican balse ay hayan xilal magac u yaal ah.

hadaba dad badan ayaa is weydiinaya sababta keentay inay marwada kowaad ee somaliland Aamina Wersi cadaadiska intaa leeg iyo nacayb shaha ugu qaaday gobolkii ay ka soo jeeday.

daraasadani waxay soo bandhigtay in tirada dhalinyarada ee ka tahriibtay gobolka saaxil ay sare u kacday intii uu madaxweyne siilaanyo xilka hayay ,hadaba dadka iyo wax garadka ka soo jeeda gobolka saaxil waxay la yaaban yihiin marwada somaliland Aamina wersi sida xun ee ay ula dhaqanto reer saaxil, waxayna reer saaxil kula talinayaan marwada somaliland inay sida ay ula dhaqanto reer saaxil inay wax ka bedesho mudada labada sanno ah ee ka hadhay kursiga ay ku fadhido ,waayo wax kasta waxaa ka hadha waa taariikh oo ama waxay taariikhdu ku geli mid wanaagsan ama mid madaw.

Qalinkii:C/raxmaan Maxmaed Daa’uud

Email:cabdiraxamaan234@gmail.com

Berbera/Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>