Buuhoodle-(Qaran-news)-Dugsi ku yaala tuulada DEDAN oo Magaalada buuhoodle u jirta masaafad dhan ilaa 15KM ayaa dadweyne gadoodsan oo ka soo jeeda degaankaasi gubeen.
Dugsigan ayaa xoggo Qarannews ka heshay ilo wareedyo xogogaala tibaxayaan in dugsigan oo hayad samafal maxali ahi dhistay Dawlada Somaliland ugu talo gashay ama u xulatay in lagu qaado imtixaanada Shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe ee ka socda Somaliland, hase yeeshee dadweyne cadhaysan oo arintaas diidan ayaa isguulkiiba dab sudhay .
Isku soo wada duuboo kooxaahaas gadoodsanaa ee Isguulka Dedan gubay ayaa ku guulaysatay qasdigoodii oo ahaa inaan wax imtixaan shahaadi ah oo dhinaca Somaliland ka yimi ka suurtogelin ama ka bilaabmin Buuhoodle taasoo ah sababtay awel horeba weerarka u soo qaadeen. Geesta kale imitixaanadka shahaadiga ayaa ka bilaabmay shalay gobolada kale ee Somaliland.
Qarannews
Burco