Australia;(Qaran news)- Gudoomiyaha Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada Somaliland Mudane Faysal Cali Xuseen iyo wefti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd gaadhay dalka Australia. Halkaasoo Mudane Faysal Cali Waraabe iyo waftiga uu hogaaminayaa ay kaga qayb geli doonaan xaflad balaadhan oo Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Australia ay ugu dabaaldegayaan sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay markii magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland 18 May 1991.
Somaliland ayaa 18 May 1991kii dib uga baxday midowgii ay la gashay dalka Somaliya sannadkii 1960kii markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay mustucmaradii Ingiriiska. Shacabka reer Somaliland ayaa guud ahaan go’aansaday inay midowgaa dib uga noqdaan, dibna boodhka uga tumaan xoriyadoodii ay ka qaateen dalka Ingiriiska. Shacabka reer Somaliland oo markii hore u hanwaynaa inay arkaan Somaliweyn mid ah oo xoog, magac, maamus iyo sharaf ku yeelata mandaqada geeska Afrika, qaarada Afrika iyo guud ahaanba caalamka ayaa dhib aad u baaxad weyn ka dhaxashay midowgaas. Midowgaasi ay Somaliland la gashay Soomaaliya ayaa dadka reer Somaliland kala kulmeen cadaalad darro balaadhan, aakhirkiina ku dambaysay dagaal lagu riiqday oo shacabka reer Somaliland iskaga xoreeyeen xukuumadii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre.
22kii Sanno ee la soo dhaafay waxay shacabka iyo xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyay u xusul duubnaayeen sidii Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd beesha caalamka. Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa isna muddadaas 22ka sannadood ah siyaasiyan door weyn ka qaatay meel marinta iyo u ololaynta qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.
Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa ah siyaasi si weyn u aaminsan qadiyada Somaliland, markastana u taagnaa, una taagnaan doona difaacida iyo u adeegida qadiyada Somaliland. Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa sannadkan 18ka May la dabaal-degi doona Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi Australia.
Dhanka kalena Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Mudane, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa halgamayaashii naftooda u huray inay shacabka reer Somaliland ka xoreeyaan nidaamkii faasidka ahaa ee keligii taliye Maxamed Siyaad Barre ayaa isna ku sugan cariga Maraykanka isagoo Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka USA kala qayb-geli doona dabaal-dega iyo damaashaadka 18ka May.
Qarannews.com