Wasiir Duur oo qiray in xukumada Siilanyo masuul ka ahayd falkii waxashnimada ahaa ee ciidamada RRdu ku laayeen dad shiciba ,qaar kalena ku dhaawaceen Magaalada Burco
Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawrkii cisho ee ina soo dhaafay ku sugnaa maagalada Burco ayaa warbaahinta u sheegay inuu xaliyey masiibadii iyo shaqaaqadii ka dhacday magaalada Burco todobaadkan halkaas oo ciidamda RRU-du ku dileen Macallin iskuulada Burco wax ka dhiga,islamarkaana ku dhaawaceen da kale oo rayida .
Ciidamada RRU-da ayaa rasaas la dhex qaadey dadweyne ku sugnaa agagaaraha dawlada hoose ee Burco, halkaas oo ay ku dileen macallin ku sugnaa Kafateeriyo shaaha laga cabo oo ku dhaw Xarunta Dawlada hoose ,islamarkaana dhaawacyo u gaystay qof kale markii ay tacshiirad kor iyo hoos iyo dhinac walba u saydheen.
Mudaharaad xoog badan ayaa ka curtay falkaas waxashnimada ah ee Ciidamada RRU-du geysteen,waxaanay mudaharadayaal si weyn u cadhaysani burburiyeen hanti dawladeed iyo mid dad rayid ahi leeyihiin labadaba.
Wasiir Duur ayaa isagu ku afgobaadsadey in falkaasi u dhacay sifo khaldan, balse Askarigii wax dilay aanu khalad lahayn oo uu amar haystay.
Wasiir Duur wuxuu si dhaba u qirtay,dushana u ritay wixii khaladaad, dil iyo khasaare hantiyeed Burco ka dhacay inay xukumada Siilanyo ee uu wasiirkeeda arimaha gudaha yahay masuul ka ahayd,wuxuuna si toosa iyo si dadban u muujiyey in amarka galaaftay marxuumkaas mudaharaadka khasaaraha keenay ka dhashay xukumadu Wasiirka ka yahay lahayd.
Geesta kale wuxuu Wasiir Duur sheegay inuu kulamo la qaatey odayadii Marxuumkii ciidamada RRdu madaxa ka toogteen,wuxuuna intaas raaciyey inay isla garteen in marxuumka la aaso,sidiina lagu aasey Hase yeeshee aan weli xal rasmiya laga gaadhin qadiyada marxuumka in qoyskiisa Mag qaataan iyo in Askarigii dilay marxuumka la raaciyo!.
Isku soo wada duuboo waxaa jira laba war oo is khilaafsan oo mid ka soo baxay dhinaca Ehelada Qoyska marxuumkii RRU-du dishay ka soo jeedo oo dalbaday in loo dilo Askariga dilay marxuumka iyo war kale oo sida Wasiir Duur laga soo xigtay sheegaaya in mag iyo samirsiis la siin doono Qoyska Marxuumku ka baxay.
Qarannews
Hargeisa