“..Madaxweynaha Naga Gaadhsiiya HABAR-YOONIS Bari Way Shiraysaa, Wixii Kasoo Baxana…”
Madax-dhaqameedka Habar-yoonis Bari
“..Derajooyinka Inamadayadii Godob lagu kala Dhex Dhigay Wax aan Qaadan karno Maaha..”
Madax-dhaqameedka Boorama
Ceerigaabo(Qaran news)-Wasiiro u dhashay Gobolka Sanaag oo Xukuumaddu dhowaan u dirtay Gobolka, si iyagoo ka faa’idaysanaya Munaasibada Iidda Dadweynaha uga raadiyaan inay taageerada Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku hoggaaminayso iyo arinka maalmahan loogu hadal-haynta badan yahay eek u saabsan bixinta Derajooyinka Ciidamada kala duwan ee Qaranka, ayaa weji-gabax iyo dhabano hays kala kulmay Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Habar-Yoonis Bari, kadib markii qorshaha ay wateen iyo wixii ay filayeen wax ka duwan kaga yimaadeen.
Kooxda Wasiirada reer Sanaag oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Md.Cali Siciid Raygal iyo Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Md.Cismaan Cabdilaahi (Cadaani) iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha Md. Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa kulan ay Duqayda Beelaha Habar-Yoonis Jimcaha ee Toddobaadkii hore kula yeesheen Guriga Martida ee Magaalada Ceerigaabo, waxay kala kulmeen hadallo isugu jiray garnaqsi iyo dooddo qoddobaysan oo la xidhiidha tabashooyin taban iyo kuwo togan oo ay ka tirsanayaan Xukuumadda Axmed-Siilaanyo ee Gobolka u soo dirtay xubnahan Wasiirada ah. Sidoo kale, Odayaasha Dhaqanku waxay Weftiga u soo xambaarsheen fariin Culus oo ay ugu soo dhiibeen Madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Sida uu Wargeyska Yool kasoo xigtay ilo u dhuun-daloola kulanka labada dhinac, waxa Duqeyda Dhaqanku ee Beelaha Habar-Yoonis Bari ku wargeliyeen in aanay hadda diyaar u ahayn cabasho tabashooyinkooda la xidhiidha u soo bandhigaan Weftiga. Hase-yeeshee, waxa Odayaashu u soo bandhigeen Wasiirada haba-yaraatee in aanay jirin cid wakiil iyaga ka ah oo ay Hargeysa u soo direen, balse tallaabada ay ka qaadan doonaan Saluuga ay kala kulmeen Xukuumadda uu ku xidhan Shir aayo-ka-tashi oo u qorsheysan isugu yimaadaan Beelaha Habar-Yoonis Bari.
Waxa kale oo iluhu intaa ku dareen in weedhaha iyo hadallada Odayaasha Dhaqanka ugu soo bandhigeen Weftiga sidan; “..Madaxweynaha waxad naga gaadhsiisaanoo keliya Habar-yoonis Bari waa shiraysaa wixii shirkaas kasoo baxana waa ku xisaabtamaynaa..”.
Hase-ahaatee, iluhu ma xusin dhawaaq, aamus iyo dareen midkii ay kaga jawaabeen Wasiiradu doodad Duqeyda iyo sidoo kale qaabkii kulanka lagu gebo-gebeeyey.
Geesta kale, wararka naga soo gaadhaya Xarunta Gobolka Sanaag ayaa lagu sheegay in Weftigu kala kulmay buuq iyo sawaxan dadweynihii u soo baxay Tukashada Salaada iiddu ku diidanaayeen in hadallo Siyaasadeed xubnaha Wasiirada ahi u jeediyaan dadweynaha, kuwaasoo ku tiraabay ay ka mid yihiin; “..Siyaasad meesha uma imane Salaad baannu u nimid..”. Waxana taasi lumisay fursadii iyo jaaniskii Xarfada ahaa ee Xukuumaddu ku damacsanayd in Wasiiradeedu uga soo faa’ideeyaan Farxada Munaasibada Ciidal-Fidriga, hadday ka war-qabeen iyo haddii xubnaha Weftigu waxay indhahooda kusoo arkeen mawqifka dhabta ah ee ay qabaan dadka ay metelaan ee Madaxweynuhu ugu magacaabay inay kalsooni ka keenaan.
Intaa kuma eka Deegaanada indhaha lagaga dhacay Wufuudii Xukuumaddu u dirtay Gobolada iyo Degmooyinka dalka. Hase-ahaatee, waxa sidan iyo si kasii adag-ba dadka Deegaanku ula garnaqsadeen Wefti isugu jiray Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Xukuumaddu u dirtay Magaalada Boorama Xarunta Gobolka Awdal, kuwaasoo Xukuumaddu igmatay inay Dadweynaha Boorama kusoo qanciyaan Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku hoggaaminayso
Weftigan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaarda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo Shalay kulan Magaalada Boorama kula yeeshay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, ayaa hadal halkaasi ka jeedyey waxa uu xamaasad ka dhex-dhaliyey Salaadiinta Gobolkaasi.
Maxamed Jaamac Abgaal oo Wasiirnimadiisa ka hor Mucaarid ugu ahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Madax-dhaqameedka ka dalbatay inay ka tanaasulaan dhaliilihii ay Xukuumadda jeedin jireen, waxana uu soo jeediyey inay soo bandhigaan tabashooyinka ay ka tirsanayaan Xukuumadda uu ka tirsan yahay, hase ahaatee dalabka Wasiirku waxa xamaasad iyo xiisad ka dhex abuuray Madax-dhaqameedkii kulankaasi kasoo qeyb-galay, kadib markii ay Salaadiinta qaarkood si adag u dhaliileen Siyaasada Xukuumadda ee ku aadan Gobolka Awdal, isla markaana ay soo bandhigeen tabashooyin iyo Cadaalad-daro ay ka tirsadeen Xukuumadda, taasoo sababtay madashii Wasiirku taageerada ka raadinayey isu bedesho goob Mucaarid.
Ugu Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal oo la hadlay odayaasha ayaa waxa uu yidhi; “..Xilka la ii magacaabay waa mid ka yimid dhinaca beesha aan ka soo jeedo waxaan dareensan nahay in aan u taagan nahay danahooda, waxana aan balan-qaadayaa in aan fursad idiin siiyo wax walba oo tabasho ah oo aad berigii hore Saxaafad marin jirteen in laga baxo oo aan afkiina iyo Madaxwaynaha isku dhaweeyo..”
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlay halkaasi ayaa soo bandhigay tabashooyin uu sheegay inay bulshadiisu ka tirsanayso Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “..Waxa aan u sheegaynaa Wasiirka in Derejooyinka Ciidanka ee la bixiyay ay ku dhex jiraan tabashooyin badan, waxanan xukuumada aan leenahay hoos ha loo eego khaladaadka jira..”.
“..Waxa aan maqlayno ee la leeyahay derajooyin ayaa la bixiyay wax aan qaadan karno ma aha..”. Sidaa waxa yidhi Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii kulankaasi ka hadlay, Suldaanka oo hadalkiisa sii watana waxa ereyadiisii ka mid ahaa; “..Waxaanu u sheegaynaa Xukuumadda in aanaan fiirsan karin inamadayadii oo suuqa is jiijiidanaya oo godob la kala dhex dhigay, waxa aan leenahay Wasiir, waxa aad Madaxweynaha u sheegtaa in aanaan ku qanacsanayn sida wax loo qaybiyay oo loo baahan yahay in lagu noqdo..”.
Sidoo kale, sidoo kale Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Gobolka Sool, ayaa weji-gabax kuwaa la mid ah kala kulmay badiba Odayaasha iyo Wax-garadka Magaalada Madaxda Gobolkaasi ee Laascaanood, kadib markii xubnaha Wasiirada ah laga la hortegay garnaqsi iyo dooddo ay garowshiiyo u waayeen, kuwaasoo la xidhiidhay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku guul-dareysatay wax-ka-qabashada adeegyadii ay u xil saarnayd ee tiir-dhexaadka u ahaa nidaamka dawladimo iyo adeegyada bulshada.
Yool