Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Safarkii Guuddoomiyaha Qandaraasyadda iyo Maareeyaha Wadooyinku Xagee ku Danbeeyey ?‏

$
0
0

Safarkii Guuddoomiyaha Qandaraasyadda iyo Maareeyaha Wadooyinku Xagee ku Danbeeyey ?‏

 

Siday saxaafadu hore u qortay waxa dhowaan safar qarsoodiyaha dalka kaga baxay Guuddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland iyo Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka iyadoo la sheegay inay u kicitimeen dalka shiinaha si ay sifo sharci daro ah uga soo iibiyaan qalab noociisa iyo lacagtiisa aan midna la garanayn.

 

Hadaba waa isla doonasho Illaahe, nin aanu saaxiib nahay oo aanu dalkan wada deganahay oo la yidhaa Maxamed Buraale oo ka soo noqday safar uu beryahan ugu maqnaa dalka shiinaha si uu soo eego wiil uu dhalay oo wax ka barta dalka shiinaha ayaa waxay isku Hotel wada dageen kooxdan wada socotay ee la yidhii qalab ayay soo iibinayaan. Saaxiibkay Maxamed ayaa iiga waramay qiso cajiiba oo uu la kulmay intuu uu joogay shiinaha ee uu hotelka la deganaa kooxdan wax soo iibinaysa.

 

Wuxu yidhi habeen habeenada ka mid ah ayaa waxa ii yidhi nin shiine ah, salaan iyo isbarasho ka dibna wuxuu I weydiiyey “ ma waxaad ka mid tahay kooxdan ka timi Afrika ee qalabka iibsanaysa? “ waxaan ku jawaabay maya ee anigu waxaan ka imid Norway. Intaa ka dib ninkii wuxuu iigu yidhi waxaan kaa codsanayaa inaad iga muslaxdo ninka hogaaminaya kooxdan Afrikanka ah ee hotelka degan. Ka dibna waxaan weydiiyey waxa dhex maray ee uu ka cabanayo?. Wuxuuna ninkii yidhi anigu waxaan ahay nin turjumaan ah oo maalmahanba la shaqaynayay nimankan Afrikanka ah ee qalabka iibsanaya, waxaana iga yaabisay ayuu yidhi “ ninka kooxda hogaaminaya ayaa maalintii aanu hawsha iibka bilownay ayaa si qarsoodiya igu yidhi markaynu u tagno shirkada qalabka iibinaysa waxaad afka shiinaha ugu sheegtaa inay qiime sare noogu qoraan rasiidka wax kala iibsiga, wixii kharash ah ee halkaa inooga soo baxana seddexdeena dhinac ayaa qeybsan doona (seddexda dhinac waa hogaamiyaha kooxda, turjubaanka iyo shirkadda). Intaa ka dib ninkii turjumaanka ahaa wuxuu yidhi arintii ayaan ka shakiyey inay dhib ii geysato oon diiday.dabadeedna ninkii kooxda hogaaminayay ayaa igu yidhi waanu kaa maaranay ee iska tag turjumaan kale ayaan doonanayaaye. Intaa ka dib, waxaan turjubaankii ku idhi” Anigu arintan waxba kama qaban karo, waayo maanaan wada socon, isku wadana kamaanu iman”.

 

Qisadaa uu iiga sheekeeyey saaxiibkay Maxamed waxay igu dhalisay shucuur murugo leh oo iigu kaliftay inaan sheekadan soo gaadhsiiyo saxaafada si ay ugu bandhigaan dadweynaha iyo dawladaba si cidii arintan shaqo ku lihi wax uga qabato hawshaa musuqmaasuqa ah ee meeshaa ka socota.

 

 

 

Qore:

 

Ali Roobe

(roobaale@gmail.com)

 

Oslo-Norway


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>