Boorama,(Qaran news)-Madax-dhaqameedka Beelaha Gobolka AWDAL, ayaa Shalay Magaalda Boorama kasoo saaray go’aamo ay ku gaadheen Shir wadatashi oo ay ku yeesheen Deegaankaasi
Kulan ay y iskugu yimaadeen hoggaanka dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal ee Gadabuursi ayaa waxa ay ku shaaciyeen Lix Qodob oo laga soo saaray kulanadii iyo shirar doceedyadii beelahan uga socday Xarunta Gobolka Awdal mudooyinkii u danbeeyay ee aayaha danbe iyo midnimada Beelahan ay kaga arinsanayeen.
Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa ka dhacay Hotel Haldoor ee Magaalada Boorama ayaa waxaa ay kaga dhawaaqeen Guddi ay ugu magac dareen “Guddiga Midnimada ee Beelaha Samaroon meel kasta oo ay joogaan. Sida uu Warbaahinta u sheegay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, Guddigaasi waxay ku shaqeyn doontaa qoddobadan hoos ku qoran oo iyagu kasoo baxay Shirkii Madax-dhaqameedka.
1. Danaha Guud ee beelaha Samaroon meelkasta oo ay joogaanba .
2. Adkaynta, Xoogana Saaraysaa ilaalinta nabadgalyada guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana degaanadan Beelahani ay degaan.
3. Horumarinta dhinacyada dhaqaalaha sida dhismaha dekeda Lughaya oo ay qaban qaabadeedii Socoto,xaga waxbarashada,Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha Dhaqaalaha.
4. Sidii ay nabadgalyo iyo walaaltinimo kula dhaqmi lahayd beelaha kale ee Somaliland Gaar ahaan Beelaha kale ee ay deris wadaagta yihiin.
5. gudigani waxa ay sii magacawday gudi qaban qaabo oo ku meel gaadh ah kana kooban 9 xubnood oo isku jira xeer beegti,Aqoonaanyahano iyo odayd dhaqameed kale gudigaasi waa gudi qaban qaabo waxaana loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan sidii uu qabsoomi lahaa shirwayne ay iskugu yimaadeen beelaha Samaroon gude iyo dibadba iyo meesha iyo waqtiga ugu haboon ee shirkaasi ku qabsoomayo.
6. Gudigani waxa uu taageero buuxda siinayaa shirarka lagu qabanayo dalalka dibadaha sida maraykanka waxa ayna taageero buuxda siinaysaa shirka iminka lagu qabanayo minisota ee lagu ololaynayo dhismaha dekeda Lughaya waxa ayna farayaan qurba jooga ka soo jeeda Goboladan in ay gacan buuxda siiyaan dadkaas hawlahaas gacanta ku haya.
Yool