Sheeko masraxeed ka soo baxday magaalada Gurya-Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon
Muuqaalka 12aad:
Waa maqaaxida Waaheen ee suuqa dhexe, waxa wada qayilaya Cali Guulwade, Xaq-u-dirir iyo Beenmasheege.
Waxa soo gelaya warkii siddeeda ee Radio i dhegeyso ama ha i dhegeysan.
Warka madaxdiisii:
War hadda naga soo gaadhay aqalka weyn ee Kaaramardha ayaa sheegaya in Maarshaalka sare ee aqalka Kaaramardha kaddib markii uu la tashaday ooridiisa Araweelo iyo gacan yaraheeda Raasbutiin, uu xilkii ka qaaday kormeerayaashii Gudaha iyo Dibadda ee aqalka. Qaar kalena isku cayn iyo bayd gooyey. Sida uu noo xaqiijiyey Rasbutiin oo shaqooyin badan ka haya Qasriga Kaaramardha, maarshaalku wuxu uga gol-lahaa isku cayn iyo bayd goyntan si uu u dardar geliyo hawlaha qasriga indhahana uga jeediyo shuqul hoosaadka ay guriga ka wadaan Araweelo iyo acyaanteedu.
Beenmasheege: Dhega, iga walla waa kaa iskaga jaray
Cali Guulwade: Anigu waan sii ogaa xalay baa Raasbutiin ii sheegay
Xaq-u-dirir: Oo intuu masaakiinta eryayo muxuu Raasbutiin u eryi waayey illeen mushkilad aan isaga ahayni guriga kama jirtee.
Beenmasheege: iga walla waad iska tidhi: waar ninyow dee soomaalidu siyaasadda ma taqaano. Raasbutiin maxaa loo eryi waayey bay ku leeyihiin, dee waxa loo eryi waayey, Waxa loo eryi waayey dee!
Xaq-u-dirir: oo waa maxay waxaa loo eryi waayey
Beenmasheege: Dee illeen rag wax ma dheeree waa waxa wax walba loogu dhiibay, lacagtii, maamulkii, taladii, qorshihii, kormeerkii, iyo ku tukashadii xagga sare.
Cali Guulwade: waar yaadheheen waar xishooda, waar ka xishooda madaxda.
Muuqaalka 13aad:
Waxa loo diyaar garoobayaa safar shaqo oo wefdi ka socda qasriga Kaaramardha isu marayaan waddamada jaarka iyo kuwa la sii jiiraanka ah. Araweelo ayaa qoraysa liiska dadka baxaya:
Qor xaaji wefdiga: Cali Guulwade, Beenmasheege, Fara-xadiid, Baaniyaal iyo dee Raasbutiin
Mahaye-moog: naa miyaad waalan tahay, meeye waxgaradkii iyo aqoon yahankii ummaddu, naa dee intani waa intii guriga kaaga shaqaynaysay.
Araweelo: Ma waxad doonaysaa in hadhow ay ceebtaada suuqa kaga sheekeeyaan oo ay yidhaahdaan mahaye-moog waa mahaye-moog iyo maqane-jooge.
Mahaye-moog: naa bal haaye cid kalena ku soo dara illeen dadkan jaaba jaabada ah waa la inala yaabayaaye.
Ma Gafe: Aniguna waan idin raacayaa
Araweelo: waad na raacaysaa Ma Gafow ee iska cun xalwaddaada oo shandada ii hay.
Ma gafe: Dee haa, haddii aad iga tagtid yaa shandadda kuu haynaya sow Raasbutiin kaa xadi maayo.
Mahaye-moog: Naa iga walla in aanan idin raacayn orda idinku taga.
Araweelo: Haddii aad taladayada diiddo dee waanu kaaga tegeynaa ee tasho, cadowgu ha kugu wiirsadee, Baaniyaal, baaniyaal, ii keen dawadii Mahaye-moog.
Mahaye-moog waxa la siinayaa dawadii daalka, kursigaanu ku seexanayaa, khuuuuukh, khuuuukh, khuuukh.
Araweelo: inoo diyaariya baabuurta iyo shandadaha, Mahaye-moog waxaynu toosinaynaa marka la baxayo;e.
Raasbutiin: waaryaa Baaniyaal, kaalay adigaa afka gaalada yaqaanna;e, tolla;ay bahalkaas baa la igu ciilay, bal intaan inaabtigay Dhiigshiil hoos taagnaa maan wax barto. Waar u dir email qoladii Huteelka HIILTOL, u sheeg ha inoo banneeyeen 7 qol, Mahaye-moog u qabo qol special ah oo uu keligii seexdo illeen waa Maarshaalkii reerkee.
Baaniyaal: oo 8 baynu nahaye, adigu xaggaad seexanaysaa?
Raasbutiin: Waxba kaama geline, 7 qol booking garee. 7daas mid uun baan ku tukan doonaaye.
Baaniyaal: Ganda khela, dirt game baa ka socda meesha
La soco qeybo kale oo xiisa badan
Ahmed Adan
daljir222@yahoo.com
Qaybtii 5′aad haday ku dhaaftay xagan hoose ka akhriso.
Riwaayad masraxeed siyaasadeysan oo xiislo leh:Madaxtooyadeena Karamardha Qeybtii 5aad