ILA WADAAG DAREEN.
Amaal Cabdillaahi Cumar Yare waxay ahayd sida jaarkeedu ii sheegeen Gabadh yar oo da’deedu tahay ilaa 17 sanno jir. Waxay Qoyskeedu weligoodba deganaayeen Xaafada New Hargaysa oo Qoyskeeda aad looga yaqaano.
Waxay ahayd Ardayad wax barata oo aad iyo aad ugu dadaasha inay nolosheeda iyo ta Qoyskeedaba horumar ugu kordhiso mustaqbalka hase yeeshee waxaa himiladeeda soo afjaray xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaa Madaxa si badheedh ah uga toogtay Askari ka tirsan Ciidamada loo yaqaano RRU-yada oo laga soo amray guriga Madaxtooyada.
May hubaysnayn, kumanay fooganayn wax fal dembiyeed ah ama wax Qaranimada Somaliland lidi ku ah.
Waxay taagnayd meel ku dhaw gurigooda iyadoo u soo doontay Dhuxul Qoyskeeda markii Xabadu haleeshay.
Waxay in ka badan Todobaad ku jirtay Coma, Dhakhaatiirtii dalka joogtayna waxay Qoyskeeda u sheegeen inaan xaaladeeda dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin. Waxaanay aakhirkiina u geeriyootay dhaawacaa halista ah ee Ciidamada RRU u gaysteen.
Qoyskeedu hadh iyo habeenba way duljoogeen ilaa maalintii ay geeriyootay, halka ciddii amartay dilkeeduna ku mashquulsanayd Fooladayn iyo Faan.
Xukuumada dishay xataa umay quudhin Qoyskeeda inay u tacsiyadeeyaan iska dhaaf inay baadhitaan ku sameeyaan dilka loo gaystay iyo inay Qoyska ka caawiyaan sidii ay ugu qaadi lahaayeen Dhakhtar Dibedda ah.
Markaynu Taariikhda ummadani soo martay iyo wixii laga dhaxlay dib u raacno ma haboona inaynu dhacdooyinka noocan oo kale ah u dulqaadano.
Waxaa aad u mudan inaynu ka dhiidhino una hawlgalno sidii aynu Gacan-ku-Dhiiglayaasha Amaal iyo Muwaadiniinta kaleba dilay, badhna dhaawacyada halista u gaystay Sharciga u horkeeni lahayn.
Haddii Sharciga Somaliland magan looga yahay isla Dhiigyo Cabyadaas Waxaa jira dariiqooyin kale oo looga wareegi karo iyo asbaabo fududayn kara in Sharciga la horkeeno maalin uun.
Godobta dilka gabadhaas yar iyo muwaadiniinta kaleba loo gaystay ma noqon doono mid looga hadho Dhiigya-Cabyadaas Qawlaysatada ah.
La soco warbixino kale oo aan ku soo qaadan doono muwadiniintii Ciidamada RRU iyo Militarigu ku dileen, qaarkoodna ku dhaawaceen magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo.
Maxammed Aw Yuusuf