Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Sannaad-guurada Koowaad ee Dib u Curashadaa Jeeggaanta 27/11/2016-kii … Dawlad aan u Kala-hadhin Mahdab ku Dhisan laba Deegaan…

$
0
0

Sannaad-guurada Koowaad ee Dib u Curashadaa Jeeggaanta 27/11/2016-kii … Dawlad aan u Kala-hadhin Mahdab ku Dhisan laba Deegaan…

Hargeysa(Qaran-news)-Marka la isku daro Intijaha Siyaasadeed ee u ku dhisnaa, hanaanka oloolihii Xukuumada tallada haysa iyo xisbiga Kulmiye ee tartanka Doorashaddii Madaxtooyadda, iyo sidoo kale, saami-qaybsiga ku dhisnaa labada waaxyood ee xilalka shaqaalaha dawladda, waxa isa-soo taraya su’aalo dhawr ah oo bulshaddu iska waydiinayaan masallooyin badan oo la xidhiidha qaabka iyo nooca uu noqon doono Xukuumadda la filayo inuu soo dhiso Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, iyo Calaamad-su’aal kaloo, iyana ku saabsan Madaxweynaha la doortay inuu kusii socon doono iyo in kale dhabihii u jeexay Madaxweynaha uu xilka dumaali doono Md. Axmed Siilaanyo, ee ku aadanaa,gaar ahaan saami-qaybsiga xilalka dawladda.

Inkastoo mashaakilka arrinka saami-qaybsiga xilalka Dawladdu dhibaatadiisu ahayd mid mudo-ba soo jiitamaysay, isla markaana marar kala duwan oo hore laga dhawaajiyey cabashada arrinka, balse haddana, waxa xaalku kasii daray, arrinkuna Af-salax ku dheg noqday oo weliba looga si daray, markii Xukuumadda tallada haysa iyo Xisbiga Kulmiye u aqoonsadeen Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu yahay Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga, kaddib mudadaas waxa bilaabmay oloolle Siyaasadeed oo masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbigu taageero Musharaxooda ugu raadinayaan, waxana duulaankii u horeeyey ee arrinkaas ka bilaabmay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasoo ay booqashooyin kala duwan ku tageen kooxo isaggu jiray masuuliyiin ka kala tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye, iyo sidoo kale xubno kamid ah shaqaalaha dawladda, ganacsato yaryar iyo kooxo dhalinyaro ah, xubnahaasi waxay ahaayeen ama kasoo jeedeen dhamaantoodba deegaanka Musharraxa Xisbiga Muuse Biixi, oo haatan ah Madaxweynaha Cusub ee la doortay.

Booqashada wufuudaas ee isagga laba noqonaysay Magaaladda Burco ujeedkii laga lahaa muu ahayn mid khuseeyey Magaaladda iyo gobolka toona, hase-ahaatee muraadka arrinkaasi waxa uu ahaa mid ku ekaa Bulshada ku dhaqan Deegaanka Bariga Burco, wallow xaajada gunteeda aan si cad diirka looga qaadin, marka laga reebo, nuux-nuux hoose iyo kaftan Siyaasadeed aan merfeshyada soo dhaafin, balse waxa hawaddu is-bedeshay, xaalkiina uu noqday Daahir-Yaa Shamis 27 November, 2016-kii, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, oo booqasho ku joogay Magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco uu gudoomiyey shir ay ku kulmeen Wasiiro iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Waqooyiga Hargeysa, iyo sidoo kale, Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin iyanna kasoo jeeday Bariga Burco. Kulankaasoo natiijadii ka dhalatay iyo nuxurkii kasoo baxay uu noqday mid dad badani wax wanaagsan xilligaa u arkayeen, balse runtii ahaa mid dhaawac weyn u gaystay jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, sida ku cad weedhihii xanafta iyo xiijinta badan lahaa ee Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ka jeedisay kulanka masuuliyiinta labada Beelood, isla markaana Warbaahinta dawliga ah iyo ta madaxa-banaanba laga baahiyey, kuwasoo aynu ka xusi karno kelmedahan kooban, una dhigan sidan; “…Markii aanu Madaxweynaha taageeraynay, waxaanu ku taageeraynay Taariikhdiisa iyo wuxuu yahay Reer ahaan iyo Gaashaan-buurtaa Gaashaan-buurteeda oo aynu ahayn. Gaashaan-buuraha aad maqasheen ee WAARSO iyo NAATO Dan-baa loo arkay, innaguna Dantii baynu eegaynay, illaa dhowr iyo kotonkii Gaashaan-buur baynu ahayn (Jeegaanta), taasi ayaanu ilaalinaynay, tii baanu idinkana idinka filaynaa…”.

Haddaba, intaynaan u gelin dulucda qoraalka oo ah natiijadda dhaxalka arrimahaas ee Maanta hor-yaala Madaxweynaha Cusub iyo qaabkii uu kaga gudbin lahaa, waxa isweydiin mudan, muxuu ahaa isbahaysigii ka dhexeeyey Siyaasiyiinta waqooyiga Hargeysa iyo bariga Burco ee Wasiiraddu ka dhawaajisay?. Sida hadalka Wasiiradda ku jirtay Somaliland xilligii ay ka tirsanayd Maxmiyadda dhulkii Boqortooyadda Ingiriisku xukumi jiray, waxa ka jiray Xisbiyo ama Ururo u dhaqdhaqaaqi jiray Madax-banaanida dhulka Somaliland, Xisbiyadaas waxa kamid ahaa SNL. USP iyo NUF kuwaasoo ka qayb galay doorashaddii 17-kii, Feb, 1960-kii ka qabsoontay dhulkii ka tirsanaa Maxmiyadii Boqortooyadda Ingiriisku xukumi jirtey, inkastoo fahanka bulshadda xilligaa uu ahaa mid aad u hooseeya, isla markaana aan laga maarmi karayn Siyaasadda qabyaaladeysan ee reer guuraga, balse haddana marna ma gaadhin heerka ay manta joogto qabyaaladdu bulshadda dhex-deeda, xisbiyadaasina waxay ahaayeen kuwo deegan walba taageero ka haystay, haba lagu kala badnaadee. Tusaale ahaan NUF, sida Wasiir Samsam ka dhawaajisay waxa taageerada ugu badan uu ka haystay waqooyiga degmada Hargeysa iyo bariga degmada Burco, halka Xisbiga SNL oo isaggu ahaa kan ugu awoodda badnaa xilliga, waxa uu taageero ka haystay bulshada ku dhaqnayd deegaanada Saaxil, galbeedka iyo waqooyiga Burco, Ceel afweyn iyo Ceerigaabo, iyo sidoo kale qaybo kamid ah deegaanada gobolka Sool.

Tusaalaha arrinkaa haddaynu intaas kaga gudubno, isla markaana dib ugu soo noqono dib u curashada Jeegaanta oo haatan laga joogo 59-sano, kulanka ka dhacay Magaaladda Burco Madaxweyne Siilaanyo-na uu gudoominaayey waxa uu daaray ama shiday Shamac Naari ah, waxa kaloo uu talaal xun ku noqday kumanaan Janareeshin oo da’yar ah, kuwasoo haba-yaraatee aan waxba kala socon taarikhda Jeegaanka iyo isbahaysi sidii Waarso iyo Naato laba deegaan oo keliya u gaar ah, arrinkaasoo marba marka ka dambaysaa waa uu sii xoogeystay , aakhirkii dambeena waxa uu gaadhay heer aan laba kala qarsan.

Intaa kaddib waxa dhacay kulankii Sullaadiinta labada Beelood ee Waqooyiga Hargeysa iyo Bariga Burco, oo iyagguna si lamid ah kulankii hore Warbaahinta si toos ah uga shaaciyey inay Siyaasadda xulufo ku yihiin, isla markaana meel uga soo wada-jeedan Taageerada iyo dhismaha Musharraxa Kulmiye. Waxana hadalka Warbaahinta u sheegay labada suldaan ee ugu faca-weyn labada deegaan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali. Iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye. Teeda kale, marka laga yimaado xanafta, naxliga iyo Uurku taaladda dhaqaqaaqyadaasi ku beereen bulshada ku dhaqan Somaliland inteeda kale, waxa kaloo tabasho iyo cabashooyin badani ka jiraan saami-qaybsiga xilalka dawladda ee la kowsadday Xukuumadda haatan waqtigu ka dhamaadday ee u gadh-wadeenka ka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaasoo saami-qaybsiga xilalka dawladda 80% la tilmaamo inay yihiin waqooyiga Hargeysa iyo bariga Burco, kuwasoo madaxka kow marka loo tiriyo xilalka dawladda haya kuraasta looga arrimiyo hay’ad kastoo dawladdu leedahay, mid sare iyo mid hoose intaaba. Haddaba, saami-qaybsiga kuraasta xilalka dawladda oo si korka xaadis ah loo dul-maray, waxa kamid ah qaybaha hoos ku xusan.

Liiska shaqaalaha Dawladda ee deegaanka Bariga Burco

1. Madaxwaynaha Somaliland/Bariga Burco

2. Gudoomiya Guurtida/Bariga Burco

3. Wasiirka Madaxtooyada/Bariga Burco

4. Wasiirka Macdanta/Bariga Burco

5. Wasiirka Hawlaha Guud/Bariga Burco

6. Wasiirka Dib U danjinta/Bariga Burco

7. Wasiiru Dawlaha Xanaanada iyo Xoolaha/Bariga Burco

8. Wasiiru Dawlaha Waxbarashada/Bariga Burco

9. Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha/Bariga Burco

10. Wasiir ku xigeenka Beeraha/Bariga Burco

11. Wasiiru dawlaha duulista iyo hawada/Bariga Burco

12. Wasiiru dawlaha caafimaadka/Bariga Burco

13. Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka/Bariga Burco

14. Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha/Bariga Burco

15. Agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka/Bariga Burco

16. Agaasimaha guud ee wasaarada amniga/Bariga Burco

17. Agaasimaha guud ee wasaarada tacliinta sare/Bariga Burco

18. Agaasimaha wasaarada warshadaha/Bariga Burco

19. Gudoomiyaha Gudiga qandaraasyada/Bariga Burco

20. Maareeyaha haayadaha kantaroolka tayada/Bariga Burco

21. Maareeyaha Macdanta Qaranka Bariga Burco

22. Maareeye ku xigeenka Dakada Berbera/Bariga Burco

23. Maareeyaha lacagta komishinka/Bariga Burco

24. Gudoomiyha Xakamaynta HIV/Bariga Burco

25. Xubin Gudida Doorashooiynka Qaranka/Bariga Burco

26. Gudoomiye ku xigeenka haayada shaqaalaha/Bariga Burco

27. Xubin Gudiga cadaalada/Bariga Burco

28. Xubin Gudiga cadaalada/Bariga Burco

29. Gudoomiye ku xigeenka komishinka doorashoyinka/Bariga Burco

30. Gudoomiyha ladagaalanka musuqmaasuqa/Bariga Burco

31. Taliyaha Ciidanka sirdoonka/Bariga Burco

32. Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta/Bariga Burco

33. Safiirka Ingriiska/Bariga Burco

34. Safiirka Emaratka/Bariga Burco

35. Badhasaabka Gobolka Sanaag/Bariga Burco

36. Badhasaabka Gobolka Hawd/Bariga Burco

37. Gudoomiye ku xigeenka G. Saraar/Bariga Burco

38. Maayerka Burco/Bariga Burco

39. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Bariga Burco

Liiska shaqaalaha Dawladda ee deegaanka Waqooyiga Hargeysa

1. Wasiirka Maaliyada/Waqooyiga Hargeysa

2. Wasiirka ganacsiga/Waqooyiga Hargeysa

3. Wasiirka warshadaha/Waqooyiga Hargeysa

4. Wasiirka Beeraha/Waqooyiga Hargeysa

5. Wasiirka Arimaha Dibada/Waqooyiga Hargeysa

6. Wasiirka Garsoorka/Waqooyiga Hargeysa

7. Wasiir ku xigeenka Maaliyada/Waqooyiga Hargeysa

8. Wasiir Ku xigeenka Madaxtooyada/Waqooyiga Hargeysa

9. Wasiir Ku xigeenka Cadaalada/Waqooyiga Hargeysa

10. Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha/Waqooyiga Hargeysa

11. Wasiirk ku Xigeenka amniga iyo A. gudaha/Waqooyiga Hargeysa

12. Agaasimaha Madaxtooyada/Waqooyiga Hargeysa

13. Agaasimaha War-faafinta/Waqooyiga Hargeysa

14. Agaasimaha shaqaalaha iyo arimaha Bulshada/Waqooyiga Hargeysa

15. Gudoomiyaha Haayadaha komishinka/Waqooyiga Hargeysa

16. Gudoomiyaha haayada masiibooyinka dabiicigaa/Waqooyiga Hargeysa

17. Agaasimaha haayada wadooyinka/Waqooyiga Hargeysa

18. Agaasimaha Wakaalada biyaha/Waqooyiga Hargeysa

19. Maayerka Hargaysa/Waqooyiga Hargeysa

20. Maayerka Berbera/Waqooyiga Hargeysa

21. Badhasaabka G. Togdheer/Waqooyiga Hargeysa

22. Badhasaabka Daadmadheedh/Waqooyiga Hargeysa

23. Badhasaabka Saraar/Waqooyiga Hargeysa

24. Xafiiska Sakooyinka/Waqooyiga Hargeysa

25. Agaasimaha Xafiisak samafalka/Waqooyiga Hargeysa

26. Gudoomiyaha hayada xuquuqul insaanka/Waqooyiga Hargeysa

27. Maareeyaha Tv-ga qaranka/Waqooyiga Hargeysa

28. Maareeyaha Dakada Berbera/Waqooyiga Hargeysa

29. Maareeye ku xigeenak sadaxaad Dekada Berbera/Waqooyiga Hargeysa

30. Badhasaab ku xigeenka G Togdheer/Waqooyiga Hargeysa

31. Taliyaha ciidamada qaranka/Waqooyiga Hargeysa

32. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska/Waqooyiga Hargeysa

33. Taliyaha Ciidanka Dab-damiska/Waqooyiga Hargeysa

34. lataliyaha madaxwaynaha arimaha dhaqaalaha/Waqooyiga Hargeysa

35. lataliyaha madaxwaynaha arimaha saxaafada/Waqooyiga Hargeysa

36. gudoomiyaha wargayska dawlada/Waqooyiga Hargeysa

37. Gudoomiyaha Maxkamada dastuuriga ah/Waqooyiga Hargeysa

38. Agaasimaha Guud ee Amaanka/Waqooyiga Hargeysa

39. Agaasimaha haayadaha aideska/Waqooyiga Hargeysa.

La soco cadadka dambe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles