4. QODOB AYAA HORYAALLA INUU WAX KA QABTO MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALILAND.
Saddexiyo tobanka November waxaay ahayd maalin taariikhi u ah shacabka Somaliland.in ka badan 700,000 todobo boqol oo kun oo haysta kaadha codbixinta (voter card) ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Madaxweynihii hoggaamin la’haa Shanta sanno ee soo socda doorashadan oo ahayd mid xaraarad badan ayaa waxaa ku tartamay saddex musharax oo Kala ah Muuse biixi cabdi oo ka sharaxnaa xisbiga taladda-haye ee kulmiye,Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro ) oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaradka ah ee waddani iyo Faysal Cali waraabe oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaradka ah ee ucid.
Dhinaca kale beesha caalamka ayaa indhaha ku haysay doorashadan Somaliland.waxaana waddanka yimmi korjoogto caalamiya ah oo tiradoodu gaadhayso 60 korjoogto (international observers) kuwaas oo ka socday in ka badan 28 dal. Doorashadan ayaa ku qabsoontay jawi nabadgelyo ah waxaayna ka dhacday dhamaan goobihii loogu talagalay oo gaadhaya 1646 oo ku yaalla lixda gobol ee Somaliland. markii ay soo xidhmeen goobihii codaynta gudiga doorashadu waxay bilaabeen tirinta codadkii la dhiibtay waxayna qaadatay muddo ka baddan sideed cisho ugu danbayn 21kii November galabnimadii gudiga doorashada qaranku waxay ku dhawaaqeen natiijadii doorashada waxaana ku guulaaystay Xisbiga taladda haya ee Kulmiye oo helay %55.7 Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isna helay %40 haka Xisbiga ucidna ka helay %4 sidaana waxaa guushu ku raacday Xisbiga Kulmiye.
Haddaba 4. QODOB AYAA HORYAALLA MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALILAND.
1. DIB UMIDAYNTA SHACABKA.
Inuu dib u mideeyo shacabka Somaliland oo doorashadii ku Kala qaybsamay islamarkaana daweeyo wax kasta oo tabasho ah oo ay keentay doorashada haday tahay mid xisbi mid shacaba.
2. DOWLAD WANAAG.
Inuu soo dhiso gole wasiiro oo tayaleh kuna yimi aqoon iyo tacliin lkn aan ku imman reero taasi oo ah tijaabada koobaad ee maamulka muuse biixi, golaha xukuumadda ee muuse biixi iyo qaabka u ku soo xulo waxaa lagu ogaan doonaa wax qabadka uu samayn doono MADAXWEYNAHA CUSUB Md:Muuse biixi Cabdi waxaana dowlad wanaagu ka muuqan doonaa (good government) qaabka uu ku soo xusho golaha wasiirada iyo ha,daha kale ee dowlad.wali Somaliland kamay gudbin nidaamkii beelaha (traditional system)
Tasi oo khasbaysa in reeraha la tixgeliyo Laguna saleeyo shaxda golaha wasiirada MADAXWEYNAHA CUSUB WA Qabad haysata lkn waxaa muhiim ah in aqoonta tixgelin wayn siiyo iyadoo deegaanadana iyo saami qaybsiga la dhowrayo.
3. CADAALADA.
Inuu cadaalad iyo xaqsoor u sameeyo dhamaan shacabka Somaliland mid doortay iyo mid aan dooranba.sigaar ah wa in uu tixgeliyaa beelaha darafyada oo qaba tabasho xoogleh si loo helo Somaliland nabad ah dadkeeduna ku wada noolyihiin cadaalad iyo sinaan.
4.DHAQAALAHA IYO SHAQO ABUURKA.
MADAXWEYNAHA CUSUB waxaa horyaalla inuu wax wayn ka qabto shaqo la,aanta iyo sixirbararka naafeeyay bulshada Somaliland.
Waa in uu layimaadaa istaraatiijiyad cusub oo lagu yaraynayo sixirbararka iyo shaqo la,aanta loona joojiyo tahriibka Dhalinyarada Somaliland sidookale xukuumadda cusub waxaa laga sugayaa in dagaal adag ku qaado musuqa naafeeyay dhaqaalaha waddanka wa in ay la’timaadaa nidaam dahfuran oo la xisaabtanleh (accountability and transparency)
Ugu danbayn shacabka Somaliland waxaa looga baahanyahay in ay is garab taagaan xukuumadda cusub si ay u gudato shaqadeeda.
Wa bilaahi towfiiq
Cabdixaafid Axmed Hurre