
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay dad taageerayaashiisa ah oo isu soo baxay in uu qaban doono xaflad loogu dhaarin doono xilka madaxwaynanimada Kenya.
Sida ay ka soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters Mr Odinga ayaa sheegay in la dhaarin doono 12 bisha December.
Daqiiqado ka dib markii uu Mr Odinga hadalkan jeediyay ,ayaa booliiska ka hortaga rabshadaha waxay sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaaleen gawaadhi kolanyo ah oo uu la socday, ayay intaa ku dartay wakaalada wararka ee Reuters.
Mr Odinga ayaa arrintan ku dhawaaqay ka dib markii taageerayaashiisa ay isugu soo baxeen wado ku taalla Nairobi ka dib markii ay booliiska xidheen goob fagaara ahayd oo uu doonayay in uu isu soo bax ku qabto.
Mr Odinga ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka qaybqaadan doorashadii ku celiska ahayd.
Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku baaqayay in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada.
Wariyayaasha ayaa sheegaya in muranka doorashada ay si aad ah ugu kala qaybsameen shacabka Kenyanka.