Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Cukuse oo sheegay in aanu Maareeyaha TV-GA Qaranku ka madaxbanaanayn, halkani ka akhrsio wareegtadii Siilaanyo ku madaxbaneeyay TV-Qaranka

$
0
0

Hargysa,(Qaran news)- Wasiirka warfaafinta ee Somaliland mudane Cukuse ayaa daboolka ka qaaday in uu Maareeyaha TV-ga qaranku aanu ka madax banaanayn wasaarada warfaafinta isla markaasina waxa uu maanta daboolka ka qaaday in uu isaga uu hoos yimaado maareeyaha iyo tv-qarankuba taasi oo ah mid aanay waxba ka jirin haba yaraatee, madaxweyne Siilaanyo ayaa wareegto kaga jaray tv-qaranka wasaarada warfaafinta wareegtadaasi uu madaxweynahu uu soo saarayna waxa ay u dhignayd sidan waxana haboon in uu wasiir Cukuse akhristo,sidoo kale waxa meesha ka muuqata kala socod iyo isgarab yaac iyo mnaamul xumo ka dhex jirta wasaarada warfaafinta iyo madaxtooyada.

Halkani hoose ka akhriso wareegtadii madaxweyne Siilaanyo ee TV-GA QARANKA UU KU MADAX BANEEYAY.

War-saxaafadeed

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012 ku soo saaray xeerka Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing Directorate of Somaliland) .

Madaxweynuhu:-

Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay; Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan Qaran oo madax bannaan,

Markuu arkay; Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareyee U madax bannaan maamulka iyo maareynta hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u soo bandhigida barnaamijyada horumarineed ee dhismaha Qaranka,

Markuu tixgeliyey; Tijaabadii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan

Markuu Tixgeliyey; Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu fadhiyo danaha Qaranka,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

Qod. 1 aad Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka ka madax banaan

ALLAA MAHAD LEH


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>