Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Madaxweyne Siilanyo oo safar cusub u xadhko xidhay +halkuu ku tegi doono

$
0
0

Madaxweyne Siilanyo oo safar cusub u xadhko xidhay +halkuu ku tegi doono

Hargeisa-(Qaran-news)-Madaxweyne Siilanyo ayaa la filayaa inuu maalmaha fooda inagu soo haya u baqoolo magaalo xeebeedka Berbera halkaas oo cabashooyin iyo tabashooyin isbiirsadey u tuulan yihiin.

Madaxweyne Siilanyo ayaa la filayaa sidii caadada u ahaan jirtay ama looga bartay inuu markuu halkaas tago xadhiga ka jaro Wadooyin yaryar oo mar hore Dawlada hoose ee Berbera iyo golaha degaanka ee dadweynuhu soo doortay hirgeliyeen, lagana yaabo in hore loo furay hase yeeshee Madaxweyne Siilanyo markuu halkaas tago lagu maamuso ama looga dhigo mashaariic cusub oo furitaankooda isaga  lala sugaayey,isna iskama hubiyee maqaskuu ku boobaa,Maadaba Weedha ama Eraygu Siilanyo ugu jecel yahay inay dhegihiisu maqlaan yahay xukumada Siilanyaa waxaa iyo waxaa hirgelisay, xataa hadii waqtigii Rayaale hawshiisu soo bilaabmatey balse nasiibku ka hiiliyey inay dhamaystiranto.

mama

Geesta kale Madaxweyne Siilanyo ayaa laga yaabaa ama ay ka suurtogashaa inuu u khuuriyo oo aanu  waxba ka odhan ama ka soo qaadin cabashooyin iyo tabashooyin badan oo ay tirsanayaan bulshoweynta Reer Berbera oo Madaxweyne Siilanyo dhawaan ku soo saarey wareegto dedafayneysa Mulkiyada lahaansho ee dhul ay leeyihiin in ka badan laba kun oo qof oo reer saaxila oo Madaxweyne Siilanyo ka badheedhay inuu dhulkooda u aqoonsado ama ka dhigay danguud ama dhul dawladeed iyadaan cawil celin iyo bedeltoona la siin.

Tu kale waxaa suurtogala in Madaxweyne Siilanyo is moogeysiiyo balamo iyo balanqaadyo ay ka filayeen gudida DAN iyo DUCO oo kulamo dhawr jeer ay Qasirga Madaxtooyada kula qaateen  u balanqaadey inuu muddo 10 cisho gudahooda wax kaga qaban doono tabashooyin iyo cabashooyin badan oo bulshada Saaxil qabto oo ay hordhigeen, inkastoo taas bedelkeedana Siilanyo Gudiga DAN iyo DUCO shuruudo ku xidhay aynu ka xusi karno in Ibraahin Dhegaweyne xaal iyo raaligelin uga keenaan,Golaha wadatashigana ka soo reebaan balse Xoggo Warfidiyeenada Qarannews dheegteen ayaa tibaaxaya in arintaasi sidii  uu filaayey aanay u dhicin.

Xogaha ka soo burqanaya safarka Siilanyo u xadhko xidhay inuu berbera ku tago ayaa waxa garab socda  dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul shir beeleed ay hormood ka yihiin  Ash-khaas ka tirsan golaha xukumada Siilanyo oo ka soo jeeda degaankaas oo uu ka mid yahay Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor,Badhasaabka saaxil iyo odayaal weji ku macaasha oo uu dhex ordaayo Gudoomiyaha gudiga diiwaangelinta iyo ansixinta Axsaabta Cabdirisaaq Ciyaale oo Afada madaxweyne Siilanyo Amina Weris Eeddo u tahay balse beryahanba u xuubsiibtay Dilaal weyn oo fariimaha iyo warka u kala geeya Reer saaxil iyo Afada madaxweyne Siilanyo.

Isku soo wada duuboo Wararka ku saabsan safarka Madaxweyne Siilanyo ee Qarannews heshay ma sheegin wax  mashaariic cusub oo horumarineed oo u qorsheysan in madaxweyne siilanyo dhagax dhigo Berbera balse waxaa suurtogala inuu farageliyo ama dhimo lacagta Laydh-tiriiga oo muruq-maalka reer Berbera tahli kari waayeen inay gataan ama iska bixiyaan, beryahan danbena cabsho weyni ka soo baxaysey,ku darsoo waxaa laga yaabaa inuu Madaxweyne Siilanyo ka dhawaajiyo balanqaadyo afka baarkiisa ah balse aanu waxba ka fulin sidii looga bartay .

Qarannews

Hargeisa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>