Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Baaq Ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Muuse Daa’uud ee Siwaaqroon

$
0
0

Ku: Gudida Khilaafaadka Maamul Goboleedka Puntland
Ku: Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Puntland
Ku: Dhamaan Isimada Dowlad Gobileedka Puntland

Anagoo ah nabadoonada waxgaradka aqoonyahanada iyo ganacsatada beesha Muuse Daa’uud ee Siwaaqroon waxaanu halkaan ku soo gudbinaynaa inaana ka wada tashan xubnihii meteli lahaa beesha Siwaaqroon iskuna raacsanayn soo celinta labadii xildhibaan ee hore beesha ugu matalayay golaha shacabka arintaasoo beendaajuhu ku dagdagay isagoo aan eegin meertada xildhibaanimo iyo cidda iska leh kalana tashan nabadoonada iyo waxgaradka beesha siwaaqroon jifooyinkooda oo dhan waxaan u cadaynaynaa gudiga khilaafaadku iyo dhamaan wax garadka dowlad goboleedka Puntland inaan leysku waa faqsaneyn labadaa nin ee uu soo celiyay beeldaajiye Ismaaciil beeldaajiye Yaasiin Cali ayna tahay arin qalad ku ah beesha dhexdeeda tasoo ka hor imanaysay qodobadii iyo heshiiskii wax qeyb siga ee cadaalad Beesha ee ay saxiixeen wax garadka iyo beeldaajihii hore taasoo ahayd in jifooyinka beeshu si meerta ah u wadaagaan in xildhibaanada sadkana ay lahaayeen beesha Muuse Daa’uud xildhibaanadaa midkood waxaan jirta in aan qoraal ugu gudbinay beeldaajaha anagoo ilaashanayna jagada aan qaxa uleenahay sanadkan waxaa uu naga aqbalayna aanan jirin kuna tagri fashay inuu soo celiyay labaddii xildhibaan ee hore ee baarlamanka ka tirsanaa ilaa 1998 hadaba waxaan marlabaad u soo jeedinaynaa Gudiga Khilaafaadka inaan labadaan nin ee beeldaajihu warqada kusoo qortay la aqbalin isagoo aanan eegan sinaanta iyo cadaalada beesha dhexdeeda.
Hadaba anagoo raaceyna nadaamka doorashooyinka Puntland in nalaga joojiyo xaqsoorkii beeshu laheydna la raaco.

Waxgaradka beesha Muuse Daa’uud
1) Nabadoon Cabdulaahi Maxamuud Jibriil
2) Nabadoon Salad Bile Maxamed
3) Nabdoon Cali Cawad Ciye
4) Nabadoon Bilaal Maxamed Cali
5) Nabadoon Daadshe Maxamuud Jaamac
6) Nabadoon Maxamed Jaamac Cali
7) Ganacsade Cabdirisaaq Cumar Saalax
8) Ganacsade Barkhad Maxamed Cabdale
9) Aqoon yahan Maxamed Jaamac Jeeg
10) Aqoon Yahan Maxamed Xasan Maxamed

WABILAAHI TOWFIIQ

EMAIL. MAAZIN8@HOTMAIL.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>