Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xubin Mihiim ah oo ka baxay Kooxda Al-shabaab iyo duruufaha qasbay

$
0
0
Nin u dhashey Mareykanka oo ka tirsanaa kooxda Al Shabab ayaa daaha ka feyday inuu hada iyo wixii ka danbeeya isaga baxay Alshabaab iyo ururweynaha Alqaacida
Omar_HammamiMuqdisho-(Qaran-news)-Wareysi gaar ah oo uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA, Omar Hammami waxaa uu sheegey inuu xiriirka u jarey hoggaamiyaha Al Shabab, Mukhtar Abu Zubeyr, oo uu sheegey inuu naftiisa kala baqayo oo uu doonayo inuu dilo.Wareysi dhanka telefonka, oo maanta oo Salaaso ah lala yeeshey, Hammami waxaa uu sheegey inuu haatan ku dhuumaleysanayo keymo ku yaala gobollada Bay iyo Bakool. Waxaa uu sheegey in dagaalyahanada Al Shabab ay qabteen labadiisa xaas, wax yar kadib markii maliishiyadaasi ay dileen ruux hoy siiyey xaasaskiisa.Hammami, oo ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, ayaa Somalia tegey sannadkii 2006, isagoo ugu dambeyntiina ku biirey kooxda Al Shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa raadineysa ninkani, iyadoo loo haysto dacwado ay ka mid yihiin inuu taageero urur argagixiso oo shisheeye.

Mareykanka waxaa uu ku yaboohay 5 million oo dollar qofkii soo sheega war ama xog horseedaya in lagu soo qabto Hammami.

Qarannews

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>