Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo markii u horeysay si taxadir badani ku jiro uga hadlay Bixitaankii shirkadaha Genel Energy iyo Ethiopian Airline.
Arinta Genel Gudoomiyaha xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa qiray in bixitaankii ay dalka ka baxday shirkadii shidaal baadhista ee Genel Energy ay ahayd arin ku soo booda oo aan xukumada Siilanyo ogeyn, go’aankeedana aaney waxba ka siin oo ay ku baxday amar ka yimi madaxda shirkada ee yurub joogta.
Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu intaas ku daray in qadiyada Genel xukumada Siilanyo laba wasiir London u dirtay si ay shirkada u soo weydiiyaan wixii ay ka diday oo uu sheegay inaanay weli ogeyn inkastooo shirkada Genel Energy Wargeyska Wall Street Journal ku faafisey inay Somaliland uga guurtay arimo nabadgelyo ama nabadgelyada dalka oo sii xumanaysa darteed.
Gudoomiye Muuse isagoo difaacaya eedo iyo dhaliilo isdabajooga oo loo jeediyo xukumada Siilanyo oo ku saabsan qadiyada Genel Energy wuxuu yidhi “maha inaan isku tuurtuurno arinkaa shirkada shidaalka baadhaysay ee Genel, wuxuna intaas ku daray maha inaynu dhexdeena is eedayno”.
Geesta kale wuxuu Muuse Biixi ka hadlay arinta diyaarada Ethiopian Airline oo joojisey duulimaaydadii ay ku iman jirtay Somaliland ka dib markii Xukumada Siilanyo ku dirqidey inay duulimaadyadeeda u wareejiso madaarka Hargeysa oo ay sababo nabadgelyo iyo farsamo xumo ka jirta xagga Run-wayga uga fiigeen,Wuxuuna Muuse Biixi yidhi isagoo ka hadlaaya arintaas “ Waxaan leeyahay haddii aanu nahay xisbi-xaakimkii iyo xukumadii dhibaatadaas waynu wada leenahay ee yeynaan isku tuurtuurin. Sidoo kale wuxuu Muuse isagoo si gaara ula hadlaaya koox aanu magacaabin ( mucaaradka) intaas ku daray inay dul u leeyihiin canaanta iyo dhaliilaha balse uu haddana garan la yahay halkay mucaaridka iska soo gaadhi la yihiin iyagoo meel walba wada jooga”.
Isku soo wada duuboo wuxuu Gudoomiye Muuse Biixi sheegay inay arinta shirkada Ethiopian Airline u direen laba wasiir oo ku maqan kana warsugi doonaan wixii wasiiradu la soo guryo noqdaan!.
Qarannews