Faallo: Somaliland Waa Inay Ka Baxdaa Wada-Hadalada Somalia
Sida taariikhda ku cad waxaa sannadkii 1960 uu midowgii fashilmay
dhexmaray Somaliland iyo Somalia oo ahaa laba dawladood oo cusub kana
kala qaatay gobanimada Boqortooyadii Ingiriiska iyo Dawladdii
Talyaaniga. Midowgaas ma dhexmarin Somaliland iyo Somaliweyn ama Somalia
iyo Somaliweyn. Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya, Waqooyi Bari Kenya,
iyo Jabuuti kama mid ahayn midowgaas kamana qaybgelin. Sidaas daraadeed,
wada-hadal kasta oo dhexmara Hargeysa iyo Muqdisho waxaa loo baahnaa
inuu ku koobnaado oo qudha labada ummadood ee Somaliland iyo Somalia oo
aan Somalida kale faragelin. Dadyowga Somaliyeed ee Jabuuti, Kilinka
5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya, siiba kuwa ku jira xukuumadda iyo
baarlamaanka Fadaraalka Somaliweyn aan jirin marnaba xaq uma laha inay
ka hadlaan midnimadii dhexmartay Somaliland iyo Somalia maadaama aanay
xubno ka ahayn.
Nasiib-darro, Somalia maanta kama jirto dawlad ay leeyihiin dadka
Somalia oo Somaliland la gelikarto wada-hadal midho dhalinkara. Waxaa
Somalia ka jira maanta waa dawlad aan la kala lahayn iyo dal aan la kala
lahayn oo ku salaysan wax lagu magacaabo 4.5 Somaliweyn (5ta
Somaliyeed), waxaana ka dhisan Muqdisho baarlamaan iyo xukuumad lagu
magacaabo Fadaraalka Somaliweyn oo maroorsaday dawladnimadii ay dadka
Somalia xaqa u lahaayeen. Wada-hadalada ilaa hadda qabsoomay ma
dhexmarin Somaliland iyo Somalia balse waxay dhexmareen Somaliland iyo
Somaliweyn taasuna maaha wax la aqbalikaro. Lama garanayo sababta ay
Somaliland oo dadkeedu ka tasho wada-hadal ula gasho dawlad ku dhisan
hugunka magaca Somaliweyn aan jirin oo aanay ka talin dadkeedu, wax
natiijo ahna aanay marnaba ka soo baxayn.
Somalida u dhalatay Kilinka Shanaad iyo Waqooyi Bari Kenya ee ka soo
qulqulay dhulkoodii kana buuxa Baarlamaanka iyo xukuumadda Somaliweyn ee
Muqdisho oo aan u dhalan Somalia ayaa maalinkasta faragesha
wada-hadalada isla markaana u dooda midnimo aanay shuqul ku lahayn.
Faragelintanu waxay carqaladweyn ku tahay wada-hadalo midho dhalinkara
oo dhexmara Somaliland iyo Somalia. Kuwan ka yimid Kililnka 5aad iyo
Waqooyi Bari Kenya ee Somaliweyn aan jirin iyo midnimo aanay shuqul ku
lahayn u qaylinaya maanta waa kuwii ku mamay hantida iyo xukunka
Somalida xorta ah xilligii xukunkii Siyaad Barre.
Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia
sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo
Reer Koonfurta ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta
Somaliyeed sida maanta ka taagan Somalia. Waxaa uu u gacan-haadshay
dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee
Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay
Gole Sare, Gole Dhexe, wasiirro, agaasimayaal guud, guddoomiyayaal
gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Qaxootigii ayaa noqday wadani,
wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo
qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo
dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay
Somaliweyn aan waxba wada lahayn.
Kadib markii ay fashilantay Aragtidii Somaliweyn oo ahayd in la xorreeyo
5ta Somaliyeed, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno ayaa waxaa
dhacday in Figraddii Somaliweyn ay maanta isku bedeshay siyaasad
isku-dul-noolasho taas oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka,
hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan xorraynta
dhulalkooda.
Ayaxa Somaliweyn ee ku degay Somalia maanta marnaba ma rabaan in labada
ummadood ee Somaliland iyo Somalia is-afgartaan ama wada-hadaladoodu
guulaystaan. Somalida ka soo kala jeeda Somaliland, Kilinka 5aad ee
Itoobiya, iyo Waqooyin Bari Keenya ee ku jira baarlamaanka iyo
xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Muqdisho waxay u ordaan kuna
dadaalaan in mar labaad uu Somaliland iyo Somalia dhexmaro midow ku
salaysan Somaliweyn si ay u soo nooleeyaan siyaasaddii is-ku-dul
noolaanshaha iyo is-qabsashada ee Somaliweyn oo Somalida aan xorta ahayn
ku mameen kuna waalifeen xukunkiodhanjiray Somalia xilligii Xukunkii Siyaad Barre. Waxay rabaan inay
sida shinnida ugu degaan Somaliland mar labaad oo dawladnimadeeda ka
dhigaan raq ay wada leeyihiin 5ta Somaliyeed sida maanta Somalia ka
taagan iyaga oo adeegsanaya magaca Somaliweyn aan jirin. Waxaa dadka
Somalia lagu khiyaameeyaa inay Muqdisho tahay hooyada Somaliweyn oo aan
5ta Somaliyeed kala lahayn dawladda ka dhisan sidaasna dadka Somalia
looga duudsiyay dawladnimadoodii ay xaqa u lahaayeen.
Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee
gumaysigu u qaybiyay. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali
Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo
Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma
muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay
aaminsanyihiin figradda Somaliweyn ee ay ku adeegtaan. lama garanayo
inay aragtida Somaliweyn rumoobi iyo in kale, lamana saadaalinkaro
samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn
madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in
kale. Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada
gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad
ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u
dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan.
Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo
Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka
Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay
dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto
xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.
Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo kala
jeeda Somaliland, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad ma
matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan, awoodna uma laha inay
tagaan. Kooxdan kuma kaalmaynkarto Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale
oo lagula dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn
ku haysa Somalia maanta, degaanna kuma laha Somalia laga soo doorankaro
mustaqbalka. Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka
5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya kuma jiraan dad u dhashay Somalia loomana
oggola. Markaas su’aashu waxay tahay: Maxay ku mutaysteen inay xubno ka
noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia? Maxayse uga dhaadhiciyaan
dadka Somalia in 5ta Somaliyeed aanay waxba kala lahayn?
Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee
Mqudisho ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn
waana ku gef ummadda Somaliland in iyada oo dalkeeda xukunta ay ku
tuurto fawdada ka jirta Somalia ee ku salaysan Somaliweyn aan waxba wada
lahayn. Dhinaca dalalka Carabta, ninka u dhashay Masar ee gala Jordan
ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir
ama uu darajo ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga
Afrika iyo Bariga Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo
ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab,
dhaqan, iyo caado ah. Somalidu iskagama dhawa Carabta kamana duwana,
kamana dhaxayso 5ta Somaliyeed dal iyo dawladnimatoona, waxna ma wada
laha. Somalia lagama yaabo inay ka baxdo dhibaatada ay ku jirto inta ay
Somaliweyn kula jirto qas iyo danaystinimo. Dadka Somalia oo gacanta ku
dhiga dawladnimadooda ayaa dhibaatada ka saarikara Somalia. Nin aan kula
dhul iyo dawlad ahayn kula wadaninimo, damqasho, dadaal, iyo ujeedo
maaha.
Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn ee aan jirin uu
ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti
is-bahaysi siyaasadeed ee dadyowga qoomiyaddda Somaliyeed oo rabay inay
midoobaan balse suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen
sokeeyenimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh
sokeeye iyo walaaltinimo aan la isku xad-gudbin.
Somalia (Koonfurta) maanta xor uma aha wada-hadalada ay la leedahay
Somaliland sababta oo ah dadketahay isla markaana afduubay Somaliweyn dulmi ku dhisan. Dawlada
Muqdisho ka dhisan waa raq ay wada hiigayaan kalana boobayaan 5ta
Somaliyeed. Dal aan dadkiisu ka talin kama gaadhikaro wada-hadalada wax
go’aan ah. Somaliland laguma khiyaamaynkaro in lagu dhextuuro Somaliweyn
dulmi ku dhisan oo ay ka xorrowday 1991. Sidaas daraadeed, waxaan u soo
jeedinayaa Xukuumadda Somaliland inay si rasmi ah oo dhakhso leh uga
baxdo wada-hadalada ay la leedahay Somalia inta Somalia dhisanayso
dawlad ay iska leeyihiin dadkeedu oo wada-hadal gelikarta waayo wax
natiijo ah kama soo baxayaan wada-hadal lala galo dawlad ku dhisan
Somaliweyn. Waa in Somaliland sugtaa inta ay Somalia ku soo noqonayso
gacanta dadkeeda sidii 1960 oo ay ka dhalanayso xukuumad iyo baarlamaan
ay leeyihiin dadka Somalia oo iska erya kuwa kaga soo qulqulay Somalida
kale si ay markaas awood ugu yeelato inay go’aan ka gaadhikarto
wada-hadalada u dhaxeeya labada dal. Waa laga gudbay samankii la isku
khiyaamaynjiray layskuna dulmiyijiray magac Somaliweyn aan jirin.
Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: September 12, 2013