Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka jawaabaya eedayn labada Wasiir u soo jeediiyeen

$
0
0

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka jawaabaya eedayn labada Wasiir u soo jeediiyeen

Waxaa wax lala yaabo noqotay in dhibaatadii ka dhacday dalka ee ay kaga baxeen shirkadaha shidaalka iyo diyaardii Ethiopian Airlines inay Xukumadu kula dul kufto Xisbiyada Mucaaridka ah, Xukumada waxaan leeyahay FALAADHI GILGILASHO KAGAMA GODO.

 

Wasirka Warfaafinta waxaan leeyahay maan filayn inaad ka gubto eedayn loo soo jeediyo Xukumada aad ka tirsantahay dadwaynihu way ogsoonyihiin wixii aad ku qori jirtay jariidadii aad lahayd wakhtigii aad mucaaridka ahayd ee ha noqonnin HASHA GEELA CUNTA EE CABAADA.

Ciidamada qaranka ee aad ku hanjabayso waa Ciidamo qaran ee maha ciidan u adeega koox yar oo qarannimada Soomaliland burburinaysa.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay Wasiirka Warfaafinta Mudane wasiir adiga laguma dirin inaad ka sheekayso shirkadaha shidaalka, Ethiopian Airlines iyo nabadgelyada ee ka waran idaacadii Radio Hargaysa halkay ku danbaysay mise iyana waxay martay halkii ay mareen shirkadihii shidaalku iyo Ethiopian Airlines.

 

Haddii aannu nahay Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani waxaanu leenahay waa la sheegayaa wixii dalka ka dhaca oo weliba cod dheer baannu ku sheegayna, sababta oo ah in badan baannu lahayn waar dalka MUSUQMAASUQA, EEXDA,QABYAALADA, ISKUDIRKA IYO SHACABKA LA ISKA HOR KEENAYO ha laga daayo, haddii laga dayn waayo Nabadgeliydu jiri mayso oo dhaawac baa gaadhi doona, shirkadaha iyo dadka Ajaanibkuna dalka way ka bixi doonaan.

DHAAXAAN JALAADAY EE DHEG BAAN JALAQ LA II SIININ.

 

Dalkeena waxaa ka dhacay dhibaato aad iyo aad u wayn ama dhaawac wayn baa ina soo gaadhay marka laga eego dhinaca Siyaasada, dhibaatadaas waxay wax yeelaynaysa kalsoonidii, maalgashigii, mucaawanada, iyo nabagelyadii, arimahaas oo dhan oo aynu ku soo tabcaynay 20 kii sanadood ee ugu danbeeyay.

Dalkeennu ma aha dal la ictraafsanyay ee waxaynu adduunka ka iibnaynay waxay ahayd nabadgeliyo, markay shirkadaha sahaminayay shidaalku ka baxaan dalkeen amaan daro iyo musuqmaasaq waxay ka hor imanaysaa wixii aynu iibinaynay dhaawac wayn bay ina gaadhsinaysaa.

 

Markii dalkeen ay yimaadeen shirkadaha sahaminta shidaalku waxaynu soo jiidanay idhaha addunka oo dhan,waxaanay ahayd wax lagu farxo oo uu hanqal taagay muwaadin kastaba, waxaa ayaan darro noqotay habkii loo musqmaasaqay dhaqaalihii, qandaraasyadii, shaqaalihii, shirkadahaasi ugu talagaleen degaanada laga sahaminayo shidaalka oo gaadhay in xita waashmaaninta ay wasiradu qoraan, taas oo keentay cadho fara badan oo dadkii degaanadaasi ka hor yimaadeen sahamintaas oo ka dhacday CAYNABA, WARAABEEYE, IYO GUMBUR LIBAAX, iska hor imaadkaas oo ay shirkadahaasi u arkeeen amaan daro oo halis geliyay shaqaalhoodi.

 

Shirkada Ethiopian Airline waxay hormood u ahayd shirkado kale oo iyana u haqal taagayay inaay dulimaado ka bilaaban marrka uu madaarka Hargaysa dhamaado, taas oo markii diyaaradii waynayd ee shirkadaas leedahay soo fadhiisatay waxay farax gelisay dhamaan reer Soomalilaand oo dhan mucaarid iyo muxaafidba.

Waxaa ayaan darro noqotay markii ay cadaatay in la musqmaasaqay dhaqaalihii laynagu caawiyay ee 10 ka milyan ee dollar ahaa diyaaradina diday inay soo fadhiisato taas oo keentay in diyaaradihii kale ee soo socdayna ay candhuuftoda dib u liqeen.

waxaa la cadeeyay oo shirkada Ethiopian Airlines bogeeda Internet ka ku sheegtay in dhabaha diyaaradaha ee Hargaysa uu tayadiisu liito oo aanay soo fadhisanayan diyaaradeehood.

Khubarada dhismaha garoonadu waxay cadeeyeen inay ku baxday dhabaha diyaarada ee hargaysa ilaa 500 000 ( shan boqol oo kun oo doolar).

waxaa kale oo la cadeeyay in shirkada la yidhi waa Chinese ee madaarka dhistay inaanay ka diwaan gashanayn dalka China oo ilaa iyo iminkana aan la garanayn meel ay ka diwaan gashantahay.

Shirkadaas ku fashilantay madaarka ay wasir Xirsina qandaraas ku siiyay dayac tirka wadooyinka dalka oo dhan iyada oo aan cidina kula tartamin oo uu malintii dhawayto golaha wakilada ka codsanaya inay u ansixyaan cashuur uu ku kordhiyo shacabka tii horeba la daala dhacaya si uu shirkadaas u siiyo.

 

Dalkan Soomaliland wuu inga dhexeeya haddi aynu nahay Macaarid iyo Muxaafidba markaa waxaan leeyahay waar khaladka yaan la taageerin ama la difaacin oo qoloyinkiina maanta difaacaya ama ka aamusan berti marka Silaanyo isku dhacdaan ama uu xilka idinka qaado aydun khaladkaa maanta sheegi doontaani sidii caadadeenu ahayd ee maanta ka hadla intaanu idinka noqonin SAAMBUUSA LAGA EEDAAMAU

 

Madaxwaynaha waxaan leeyahay mudane Madaxwayne arimahani iyo khaldaadkini ma ah kuwii ay Cukuso iyo Muse Bixi ka jawaabi jireen ee ka waawayn ee adiga ayaa lagaaga fadhiya oo shacabki sugayaan ilayn adiga ayay ku doorteen.

Fadeexadan maanta Madaxtooyadda Dul hoganaysa Madaxwaynaha Jamhuruyad Soomaliland Mudane Axmed Maxamud Silaanay ayaa laga sugaa inuu cadeeyo sida wax udhaceen Cidii danbiyadana gashayna sharcigana hor geeyo

 

ALLA MADAH LEH

 

Faisal Farfidiye

 

Golaha Fulinta ee

Xisbiga Waddani


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>