Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Agaasimaha Caafimaadka oo Kormeeray Xarumaha Caafimaadka Saraar

$
0
0

Agaasimaha Caafimaadka oo Kormeeray Xarumaha Caafimaadka Saraar

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo safar shaqo ku marayay qaar ka mid ah gobollada berriga ayaa gaadhay magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar.

Waxa ay kormeer iyo indho indhayn uu ku soo maray Cusbitaalada Caynaba iyo Oog, iyo qaar ka mid ah Xarumaha Caafimaadka ee gobolka Saraar.

Agaasimaha guud Maxamed Cabdi Xargeeye waxa kormeerka ku wehelinayay, Badhasaabka gobolka Saraar, Maxamed Cismaan Axmed iyo madaxa xogta caafimaadka Gobolka Saraar, Cabdilaahi Faarax Jaamac, ayaa soo kormeeray Cusbitaalada Caynaba iyo Oog, isagoo agaasimuhu mid mid u soo maray qeybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin cusbitaaladu, kulamo kala duwana la qaatay shaqaalaha iyo maamulka Caafimaadka ee gobolka Saraar.

Agaasimaha ayaa dhanka kale soo kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Hooyadda iyo dhalaanka ee Caynaba iyo Oog, iyo Mashaariicda Caafimaadka ee ay Wasaaraddu ka wado Gobolka Saraar.


Shil ka Dhacay Dowga Sheekh

$
0
0

Shil ka Dhacay Dowga Sheekh

Hargeysa(Qaran news)-Maamuulka degmada sheekh ayaa ka hadlay khasaare ka dhashay baabuur nooca kuwa xaamilka qaada oo ku dhacay dowga Sheekh,kaasi oo sabaabay dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka ayaa sheegay in gaadhigan uu sida xoolo uu ku wadday dekedda Berbera islamarkaana uu ku rogmaday dowga taasi oo sababtay in ay ku dhaawacmaan laba qof oo mid yahay wadaha baabuurka iyo xoolo badan oo shilkaasi ku bakhtiyey.

“Adhi badan ayaa bakhtiyey, qaarna waan la gowracay , waddihii iyo kalkaaliyihiisi ayaa dhaawac soo gaadhay oo lagu dabiibayaa Cisbitaalka Sheekh, waxaanu gaadhigu xanibay isu socodkii gadiidka ee gobollada bariga iyo galbeedka dalka” ayuu yidhi maayar ku xigeenka degmada Sheekh
Maxmed Faarax Axmed ayaa sida kale ha’yadda wadooyinka Somaliland ugu baaqay in si degdeg ah wax uga qabto dayaca ka muuqda waddada waxana uu yidhi “Waddada dowgu aad ayey u jajaban tahay oo dayac badan ayaa ka jira markaa waxa aanu ha’yadda wadooyinka u sheegaynaa in dayac tir ku samayso annaga way naga awood badan tahay , baabuurtana waxa aan u sheegaynaa in ay feejignaan badan muujiyaan marka ay waddadan isticmalyaan “

“”Abiy Ahmed wuu diiday inuu la kulmo Xasan Sheekh” Mustafe Qodax

$
0
0

“”Abiy Ahmed wuu diiday inuu la kulmo Xasan Sheekh” Mustafe Qodax

Hargeysa-(Qaran news)-Siyaasi Mustafe Maxamuud Qodax ayaa sheegay in madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu ula kulmi lahaa hoggaamiyaha dawladda Itoobiya Dr Abiy Axmed.

“Saddex cisho ka hor waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya isku dayey in uu nayroobi kula kulmo raysalwasaaraha itoobiya, balse Abey Axmed ayaa diiday , waxa uu Xasan sheekh dariiq walba la taagan yahay dhul iyo bad baanu idin siinaynaa ee heshiiska Somaliland ka noqda” ayuu yidhi

Qodax ayaa xusay in heshiishka badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu maskax guur ku riday cid walba oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan dalalka Soomaalida ee la dariska ah dalkeena waxana uu yidhi ”baddeena iyo hawadeena inaga u talinayna , dhaqdhaaqyada dadka kale ee Soomaaliyeed waddaan waxa weeye anaga idin talinayna ee ma tashan kartaan taasna yeeli mayno, qiimaha heshiiska waxa aad ku garanaysaa intii heshiisku soo baxay waxa cadowgeenu ku dhacay maskax guur.

Iskuul Farsamadda gacanta lagu barto oo laga dhisaayo bariga Hargeysa daawo

Siyaasadii dib u hagaajinta soomaaliya ma shaqeynayso, Ingiriisku waa inuu u jeestaa aqoonsiga Somaliland

$
0
0

Siyaasadii dib u hagaajinta soomaaliya ma shaqeynayso, Ingiriisku waa inuu u jeestaa aqoonsiga Somaliland” Xildhibaan Stuart Polak
London(Qaran news)-Xildhibaan Stuart Polak ayaa ugu baaqay xukuumada Ingiriiska inay u soo jeesato aqoonsiga Somaliland si ay wax ugu kordhiso xasilloonida gobolka.

Dood aqalka Odeyaasha Ingiriisku ka yeesheen siyaasada Arrimaha dibeda ayuu xildhibaan Polak yidhi;
“Masaafo aad u yar ayey Somaliland u jirta xeebaha Yaman ee rabshadaha iyo qaska ka jirto. Somaliland waxay leedahay 850 kilomitir oo xeebta badda cas ah oo aan wax budhcad-badeed ahi ka jirin; taasna waxa loo nisbayn karaa dimuquraadiyadda reer galbeedka u janjeedha oo ah Somaliland. 1dii January, Itoobiya, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee UK, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland, kaas oo ay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsanayso Somaliland beddelkeedana ay Itoobiya helayso saldhig badda cas. Arrintan ayaa waxaa ansixiyay baarlamaanka Itoobiya, waxaana arrintan si dhab ah uga hadlay dalal kale oo caan ah oo Afrikaan ah. Waxaan u soo jeedinayaa saaxiibkay Xoghayaha Arrimaha Dibedda inuu si degdeg ah u eego horumarkan wanaagsan.
Xildhibaan Polak ayaa sheegay in siyaasadii dib u habaynta Soomaaliya shaqeyn weyday, loona baahan yahay xal macquul ah.

“In Soomaaliya dib loo soo celiso way shaqeyn weyday. Dunidu way isbedeshay oo way soo dhamaatay siyaasadeenii “Soomaaliya keliya”, ee dhalatay 1961. Waxa la joogaa wakhtigii ay siyaasadeenu isbedesho. Waxaan rajaynayaa in saaxiibkayga sharafta leh ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda uu heli doono wakhti uu ku aqoonsado oo uu ku garab istaago wax qabadyada Somaliland ee xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka, isaga oo hubinaya in doorkeeda muhiimka ah aan la ilduufin ama aan la dhayalsan karin.

Ku-xigeenka Somaliland Ee Itoobiya Oo Xog Cusub Ka Sheegay Heshiiska Badda & Aqoonsiga

$
0
0

Ku-xigeenka Somaliland Ee Itoobiya Oo Xog Cusub Ka Sheegay Heshiiska Badda & Aqoonsiga

Addis Ababa (Qaran news) – Dawladda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay heshiiskii dhawaan dhex maray Dawladda Federaalka Itoobiya.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya, ahna ku-simaha Safiirka Amb. Barkhad Maxamuud Kaariye oo Xafiiskiisa Addis Ababa ugu warramay Telefiishanka MM Somali TV, ayaa marka koowaad ka warramay marxaladihii uu soo maray xidhiidhka Somaliland & Itoobiya, waxaanu sheegay in xidhiidhka labada dal oo soo bilowday ka hor qarnigii 18-aad uu xilligan marayo heerkii ugu sarreeyay.

Safiir ku-xigeenka oo faahfaahinaya xidhiidhka labada dal, ayaa yidhi “Itoobiya, iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidhada diblumaasiyadeed ee ugu qotada dheer, inkasta oo xidhiidhkaasi qarniyadii la soo dhaafay uu lahaa habab kala duwan. Waxaynu xasuusanaa in Somaliland horena u ahayd, Maantana tahay albaabka laga galo Afrika marka dunida kale la isku xidhayo, kuna taalla meel aad muhiim ugu ah marinnada dunida, xilliyadaas iyo xilliyadii Ganacsiga ee Hindiya, Aasiyada fog iyo bariga dhexe, Somaliland waxay ahayd halkii ay ka geli jireen (Afrika), xidhiidhkaas ganacsi ee muddada dheer socday wuxuu isku xidh u ahaa Itoobiya iyo Somaliland, halkaas ayuu ka soo unkamay xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, waxayna xilliyadaa u macaamili jireen qaabab kala duwan, dabcan xilligaa waxa Somaliland joogay Maxmiyaddii Ingiriiska, intii ka dambaysayna xidhiidhka Itoobiya

iyo Somaliland wuxuu ahaa mid sii xoogaysanaya, iyada oo ay xusid mudan tahay halgannadii kala duwanaa ee Somaliland ugu jirtay inay la soo noqoto xornimadii luntay 1960-kii ay Itoobiya ahayd halkii ay fadhiisimada ku lahaayeen (Jabhaduhu) sidoo kalena waxay ahayd halkii ay u soo eersadeen dadka Somaliland markii uu duqaynayey Taliskii Macangagga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.”

Safiirku waxa kale oo uu sheegay “Xidhiidhada noocaas ku bilaabmay waxay noqdeen kuwo sii xoogaystay, markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotayna waxa 1991-kii la furay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, illaa muddadaana xidhiidhku wuxuu marayaa heerar kala duwan, isku-gayna xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa mid ganacsi, mid amni, mid bulsheed, mid

diblumaasiyadeed iyo mid siyaasiyadeed, waana ta keentay in Maanta ay labada dal galaan heshiis la iskugu Dan quminayo.”

Safiir ku-xigeenka oo ka jawaabaya halka ay marayso hawsha loogu gudbayo heshiiska rasmiga ah ee 2-da Dawladood, ayaa yidhi “Heshiisku, sida ay in badan sheegtay Xukuumadda JSL oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa dano iswaydaarsi, heerar kala duwan baanu maraa heshiisku. Heshiiskii isfaham ayaa la saxeexay, waxaana loo gudbayaa marxaladda labaad, waxaana ku hawlan Guddiyadii farsamo, markaas halkaas ayuu marayaa.”

Ambassador Kaariye wuxuu fasiraad ka bixiyey ahmiyadda heshiiska badda lagaga kiraynayo Dawladda Itoobiya oo aqoonsanaysa Somaliland uu u leeyahay dunida “Waxaan hoosta ka xariiqayaa, heshiiskan isfaham maaha oo keliya mid

ka dhexeeya labada dal, balse waa mid xoojinaya danta Mandaqadda, Qaaradda iyo dunidaba, sida dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo isku socodka. Waad ogtahay waxa ka socda Badda cas iyo badaha kale ee dunida, markaa Somaliland iyo Itoobiya oo awalba amniga mandaqadda doorkooda ka qaadan jiray, waxay doonayaan inay kaalintoodaas xoojinayaan. Waxa jira dalal ku yaalla Afrika oo aan bad lahayn, waana halka Somaliland hiigsigeedu yahay.”

Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray in Somaliland aqoonsigii ay muddada baadi-goobaysay ku hirgalay Dan iswaydaarsiga Itoobiya ”
“Aqoonsiga, muddo dheer ayaynu hadba meel ma day’nay, oo meesha aynu ka dayno la lahaa meeshaa maaha ee meel kale ka da’ya, tii baa Maanta ku timid dan iswaydaarsiga Itoobiya. Maanta ayuu Alle aqoonsigii dadku doonayeen ku suurto-geliyey dedaalladii Madaxweyne Muuse

Biixi Cabdi, waana mid ah ‘ii qumi aan kuu qumiyee’…”

Safiirku wuxuu sheegay in shacabka Somaliland aanu ka soo horjeedin heshiiska isfaham ee labada Dawladood, balse Shacabku dalbanayaan in la fahamsiiyo “Midna waan saxayaa, cid ka soo horjeeddaa ma jirto heshiiska, dadka reer Somaliland ee illaa hadda Warbaahinta ka hadlay ama kulamada dhacay, waxay leeyihiin uun heshiisku muxuu ku saabsan yahay, ma fahamsiiya ayay leeyihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey “Dadka reer Somaliland ama dadka kale ee Soomaalida ah ee mandaqadda ku nooli wararka been-abuurka ah ee loo sheego waa wax cadow gaar ahi wado, waxaana la doonayaa in dadka lagu khalkhal-geliyo, hase-yeeshee waxa go’aamin doona heshiiska.”

Three killed in first fatal Houthi attack on Red Sea shipping

$
0
0

A Houthi missile attack killed three seafarers on a Red Sea merchant ship on Wednesday, U.S. Central Command (CENTCOM) said, the first fatalities reported since the Iran-aligned Yemeni group began strikes against shipping in one of the world’s busiest trade lanes.

The Houthis claimed responsibility for the attack, which set the Greek-owned, Barbados-flagged ship True Confidence ablaze around 50 nautical miles off the coast of Yemen’s port of Aden.

In an earlier message on X responding to the Houthi claim, Britain’s embassy wrote: “At least 2 innocent sailors have died. This was the sad but inevitable consequence of the Houthis recklessly firing missiles at international shipping. They must stop.”
The Houthis have been attacking ships in the Red Sea since November in what they say is a campaign in solidarity with Palestinians during the war in Gaza.

Britain and the United States have been launching retaliatory strikes against the Houthis, and the confirmation of fatalities could lead to pressure for stronger military action.
CENTCOM said the Houthi strike also injured at least four crew members and caused “significant damage” to the ship. Earlier, a shipping source said four mariners had been severely burned and three were missing after the attack.

The Greek operators of the True Confidence said the vessel was drifting and on fire. They said no information was available about the status of the 20 crew and three armed guards on board, who included 15 Filipinos, four Vietnamese, two Sri Lankans, an Indian and a Nepali national.
On Thursday, two of the victims were identified as Filipino seafarers by the Philippines’ ministry for migrant workers. It said in a statement two other Filipinos were severely injured in the attack and called for “continued diplomatic efforts to de-escalate tensions and to address the causes of the current conflict in the Middle East”.

A U.S. defence official said smoke was seen coming from the True Confidence. The official, who also declined to be identified, told Reuters a lifeboat had been seen in the water near the ship.
The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) agency said it had received a report of an incident 54 nautical miles southwest of Aden, which lies near the entrance to the Red Sea, adding the vessel had been abandoned by the crew and was “no longer under command”.
“Coalition forces are supporting the vessel and the crew,” UKMTO said.

Stephen Cotton, general secretary of the International Transport Workers’ Federation (ITF), the leading seafarers union, called for urgent action to protect its members.
“We have consistently warned the international community and the maritime industry about the escalating risks faced by seafarers in the Gulf of Aden and Red Sea. Today … we see those warnings tragically confirmed,” Cotton said.

Four days ago, the Rubymar, a UK-owned bulk carrier, became the first ship to sink as a result of a Houthi attack, after floating for two weeks with severe damage from a missile strike. All crew were safely evacuated from that vessel.

The Houthi attacks have disrupted global shipping, forcing firms to re-route to longer and more expensive journeys around southern Africa. The cost of insuring a seven-day voyage through the Red Sea has risen by hundreds of thousands of dollars.
While the militia has said it would attack vessels with links to the United Kingdom, the United States and Israel, shipping industry sources say all ships could be at risk.

The True Confidence is owned by the Liberian-registered company True Confidence Shipping and operated by the Greece-based Third January Maritime, both companies said in their joint statement. They said the ship had no link to the United States.

Source Reuters

Ururadu xaq uma laha in ay dacwad u gudbiyaan Maxkamadda


Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Laashay Boqolkiiba 20ka ee ku jiray Xeerarka Doorashooyinka

$
0
0

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Laashay Boqolkiiba 20ka ee ku jiray Xeerarka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)-Maxkamadda Sare ee Dastuurka JSL ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Dastuuri ah oo ay u soo gudbiyeen 03/03/2024-ka Urur siyaasadeedyada kala ah Horseed, Hilaac, SPP, Ogaal, Rajo iyo Mideeye taasi oo nuxurkeedu salka ku hayay fasiraada qodobada 26 aad, 27 aad faqrada (4aad iyo 5aad), 51 aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2024 iyo Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha, xeer Lr 91/2023 kaasi oo ay Maxkamadda kaga codsanayeen in uu ka hor imanayo Dastuurka iyo inkale.

Go’aankii oo dhamaystiranna waa sidan hoos ku xusan

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

.

 

Maxkamadda Maroodijeex oo Xukuntay Niman Khamri Sameynayey

$
0
0

Maxkamadda Maroodijeex oo Xukuntay Niman Khamri Sameynayey

Hargeysa(Qaran news)-Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday 4 -nin oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Dhexe gacanta kusoo dhigeen , raggan oo ku eedaysanaa inay Khamri ku sameeyaan Magaalada Hargaysa gudaheeda iyo inay Iyagoo gaalo ah labiska islaamka qaateen kuna dawarsanaayeen ayaa dambigaasi lagu helay.

Waxaanay Maxkamadda Gobolku ku xukuntay laba kamida raggaasi 8 sannaddood oo xadhiga iyo 2Milyan oo Shilin S/land , Halka labada kale lagu xukumay 6-Sannadood oo xadhiga iyo 1Milyan oo Shilin S/land.
Dhanka kale xukunkaasi markay dhamaystaan dhammaantood dalka waa laga mastaafurinayaa iyagoo markii hore dalka tahriib kasoo galay. waxaanay kasoo jeedaan dalka Ethiopia.
Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada ugu baaqayaa inay degdeg ula soo wadagaan dadka noocaasa markay arkaan.

Wafti Somaliya ka socda oo isku qoys ah oo Kiiniya kula kulmaaya wafti Itoobiyaan ah

$
0
0

Waxa Nairobi ku sugan wefti ka socda Xukuumada Federalka Somaliya oo ka kooban 4 xubnood oo dhamaantood ka soo jeeda qoyska madaxweyne Xasan Sheekh

Hadaba xubnahani uu Xasan Sheekh u soo dirsaday shirka Kiiniya ayaa ka kooban dhamaantood qoyskiisa beesha Hawiye xagan hoose ka akhriso magacyadoida iyo haybtoida.
1-Ali Balcad
Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya. WAA ABGAAL
2- Hussien Moalin
Lataliyaha Amniga qaranka ee Madaxweynaha Somaliya. WAA MURUURSADE
4- Kamaal Gutale: Xoghayaha Xafiska RW Somaliya WAA HABARGEDIR
4- Yasmin Ahmed ( Lawyer) Ujaajeen, waa iska Hawiye).

Wararku waxa ay sheegayaan in ay weftigaasi la kulmayaan wefti kale oo Ethiopian ah oo ka imanaaya Caawa Addisaba. Kulankaasi waxa dabada ka riixaaya US sida la sheegaayo. Xukuumadii Somalia waxa ay leeyihiin MOU-da Ethiopia iyo Somaliland wada saxeexdeen 1-dii January, 2024 ayaa la la laalayaa.

Xubnahani ka socda Soomaaliya ayaa faafinaaya in ay dawlada Itoobiya cadaadis diblomaasiyadeed oo xoogan ku qaadeen 3 bilood ee ugu danbeeyay si ay uga noqdaan heshiiska ay la gaadheen Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xaga Itoobiya oo ku saabsan waftigaasi ka tirsan xukumadda faashilka ah ee Xasan Sheekh ee sheegaaya in ay wafti heer wasiiro ah oo Itoobiyaan ahi ay isugu imanayaan dalka Kiiniya oo ay iyagu hada ku suga yihiin.

Dhanka kalana heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland dhex maray ayaa gabo gabo hada ku dhow waxana la filayaa in dhawaan heshiiskaasi loogu dhawaaqo.

33 Sano waxa xukumad Soomaliyeed ah ah oo ka talisay Somaliland ma jirto wax maamul ahna marnaba lama ay wadaagin, afka ayuunbay ka sheegtaan in Somaliland ay tahay qayb iyaga ka mid ah taasi oo haba yaraatee aan run ahayn.

Safiirka Somaliland u jooga Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay dalka Sucuudiga

Cali Guray oo Qaraar sax ku Tilmaamay Go’aanka Maxkamadda sare

$
0
0

Cali Guray oo Qaraar sax ku Tilmaamay Go’aanka Maxkamadda sare

Hargeysa(Qaran news)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay inay sax yahay qaraarka maxkamaddu.

Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo lagu baahiyay facebook, waxaanu u dhignaa sidan:

“SIDAASUU SAX KU YAHAY. SAW MAAHA?
Qaraarka Maxkamada Sare Wuxu Laalay Keliya Firqadaha 5aad Iyo 6aad Ee Xeer Lam. 91 Oo U Dhignaa Sidan:

5. Haddii laba xisbi/urur ama in ka badan ay si walba isu le’ekaadaan tiro iyo boqollay ahaan oo ay ku kala bixi waayaan hannaanka ku cad faqradaha 1 illaa 4 ee qodobkan, waxa u kala codaynaya xisbiyada/ururrada is le’ekaaday labada Gole ee Barlamaanka oo yeesha fadhi wada jir ah oo uu guddoomiyo Guddoomiyaha Guurtidu.
6. Codeynta ku xusan faqradda 6aad ee qodobkan, waxa
maamulaya Komishanka Doorashooyinka iyada oo noqonaysa codayn qarsoodi ah (secret ballot).
Xeer Lambar 14 Qaraarka Maxkamaddu Waxba Kama Taabanayo. Sidaasuu Sax Ku Yahay Saw Maaha? Anigana Way Ila Tahay. SHIB DHEH HADABA

Wasiirka Arimaha gudaha oo la Kulmay Agaasimaha Interpeace

$
0
0


Hargeysa(Qaran news)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace, Itande Kakama.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madaxda Hay’adda Interpeace ayaa ka wada hadlay in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iska kaashadaan dhinacyada horuumarinta siyaasadda, Dhaqanka iyo dhismaha nabadda.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Masuulinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha,waxaanu kulankani ku soo dhamaaday isfaham iyo Iskaashi.

Agaasimaha Guud ee Caddaaladda oo Xadhigga ka jaray Xafiiska Wasaaradda Cadaaladda ee Gobolka Hawd

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Caddaaladda oo Xadhigga ka jaray Xafiiska Wasaaradda Cadaaladda ee Gobolka Hawd

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Caddaaldda JSL Md. Ismaciil Saleeban Maxamed (Bawkax), ayaa xadhigga ka jaray xafiiska Wasaaradda Cadaaladda ee magaalada Balligubadle ee Gobolka Hawd.

Agaasimaha oo ay weheliyaan masuul
Waaaaradda Cadaaladda ka tirsan, ayaa xafiiska ka furay Magaaladda Balliguba ee Goboka Hawd.

Md. Bawkax iyo weftiga uu hoggaaminaayo, ayaa sidoo kale soo kormeeray Xabsiga Gobolka Hawd ee Balligubadle, Maxkamadaha iyo
nootaayooyinka sharci.

Xafladda Xadhig ka jarka xafiiska
Wasaaradda Caddaaladda ee Balligueadle, waxa kagaybgalay Badhasaab-kú-xigeenka Gobolka Hawd Khadar, Xoghayaha Gobolka Maxamed Faarax Sugaal, Xildhibaano golaha degaanka ah, cuqaal,
dhalinyaro iyo waxgaradka Gobolka Hawd:

Agaasime Bawkax, ayaa sheegay
Wasaaradda Caddaaladdu diyaar u tahay in gobolka Hawd lagu daadejiyo adeegyada caddaladeed.

Isu-duhuwaha Gobolka Hawd ee
Wasaardda Caddaaladda Cabdi’casiis
Ismacil Jaamac, ayaa tilmaamay in gobolka y ka jiraan caqabado badan oo dhanka adeegyada kala duwan ee caddaaladda, diyaarna uu u yahay inuu bulshada gobolka Hawd ugu adeego si daacada

Taliyaha Xabsiga Dhamme Haruun Xuseen, ayaa weftiga Wasaaradda Caddaaladda uga warbixiyey xaaladda Guud ee xabsiga isla markaana tilmaamay in loo baahan yahay in Xabsiga laga hirgeliyo nidaamka dhaqancelinta da yarta sharciga khilaafta.

Dhammaan masuuliyiinta, waxgaradka iyo dhallinyarada gobolka, ayaa soo. dhaweeyey xafiiska.Wasaaraddu ka furatay Gobolka Hawd, iyagoo Wasaaradaha kalena u soo jeediyey in ay maamul daadejin sameeyaan oo gobolka soo gaadhsiiyaan adeegyada aasaasiga ah.


Horn of Africa’s Geopolitical Mess: Somaliland-Ethiopia and BRIC

Russia Should Seek A Naval Base In Somaliland Since Sudan Continues Giving It The Runaround

$
0
0

By Andrew Korybko


Sudanese Foreign Minister Ali Al-Sadiq Ali told Sputnik that while “We have no fundamental objections to the agreements reached under the previous government”, which he described as “an obligation of the state”, he “leave[s] this issue to the parliament” whose next elections have yet to be scheduled. He’s “anticipating high-level talks and a visit by Sudan’s leadership to Russia in the near future”, but this response to the question of Russia’s planned naval base there still amounts to giving it the runaround.

It was suggested as far back as summer 2021 that “Somaliland Can Be An Alternative For Russia’s Troubled Sudanese Naval Base Plans”, the insight of which is more relevant than ever after the US ominously threatened Sudan with vague “consequences” in 2022 should it go through with this. Shortly afterwards, its “deep state” war broke out in early 2023 and evolved into a full-blown civil war that continues to this day, further impeding the chances of implementing their 2020 deal.

Although Chief General Abdel Fattah Al-Burhan refused to bite the American media’s bait that Russia allegedly arms his “Rapid Support Forces” rivals via now-defunct Wagner, his Foreign Minister’s roundabout response about the future of this base suggests that he remains reluctant to defy the US. This state of affairs isn’t expected to change considering that he wants to remain on that Western leader’s good side so it’s about time that Russia begins looking elsewhere to meet this military need.

The Memorandum of Understanding that Ethiopia and Somaliland signed on the first of the year, whereby Addis will recognize Hargeisa’s 1991 redeclaration of independence and give it stakes in national companies in exchange for commercial-military port rights, could form the basis of such talks. Something similar could be discussed between Russia and Somaliland, which would meet the first’s military needs while also pioneering a new connectivity corridor with fellow BRICS member Ethiopia.

Russia had hitherto not wanted to upset Somalia, which continues to claim Somaliland despite not exerting any writ over it for the past one-third of a century, but recent developments in their ties might cause Moscow to reconsider its calculations. President Hassan Sheikh Mohamud slammed Russia twice while speaking at a think tank event in Italy in late January, after which a member of Somalia’s Defense Committee put an anti-Russian spin on their country’s security deal with Turkiye in late February.

These unfriendly actions occurred despite Russia sending Somalia two free shipments of wheat thus far so Moscow shouldn’t expect that continuing to abstain from establishing ties with Somaliland will lead to an improvement in Mogadishu’s behavior. Quite clearly, the American-Somalian base deal from the middle of last month whereby Washington will construct five such facilities in that country has political strings attached, namely taking the US’ side against Russia in the New Cold War.

It’s therefore time for Russia to recalibrate its regional policy in light of the changes that have recently taken place in Sudan and Somalia. Clinging to hopes that its naval base deal with the first will be implemented in the coming future and that the second’s newly unfriendly attitude towards Russia will soon improve risks wasting precious time at the expense of tapping into more promising opportunities. Somaliland could replace Russia’s planned base in Sudan and the Kremlin should explore this possibility.

Eestieest

Africa Finance Corporation (AFC) and Investee Company Infinity Power Win Big at 2024 Bonds & Loans Awards

$
0
0

PRESS RELEASE
Africa Finance Corporation (AFC) and Investee Company Infinity Power Win Big at 2024 Bonds & Loans Awards
AFC played a leading role in proffering an innovative funding solution, with the Corporation deploying a suite of equity and quasi-equity instruments

Africa Finance Corporation (www.AfricaFC.org), the continent’s leading instrumental infrastructure provider, received the prestigious Sovereign, Supra & Agency Treasury & Funding Team of the Year Award at the 2024 Bonds, Loans & ESG Capital Markets Africa Awards in Cape Town yesterday, while AFC’s investee company Infinity Power Holdings was awarded M&A Deal of the Year.

Since 2014, the Bonds & Loans Awards has been recognising the most innovative and ground-breaking deals from sovereign, corporate and financial issuers and borrowers, celebrating outstanding achievements and highlighting significant contributions to the development of capital markets across Africa. An exhaustive selection process examines deal size, tenor, structure, and distribution; a borrower’s accessibility to finance; and focuses particularly on deals demonstrating high quality execution, accessing new pools of liquidity, innovative structuring, and opening-up of new markets.

The Sovereign, Supra & Agency Treasury & Funding Team Award recognises AFC’s expertise in the global capital markets through the successful execution of several strategic funding transactions in the last year. Notable deals closed include a US$625 million syndicated loan from a consortium of lenders, a EUR50 million loan facility agreement with Italy’s Cassa Depositi e Prestiti SpA (CDP), a US$350 million long-term line of credit with the African Development Bank (AfDB), a US$300 million facility from the Export-Import Bank of China, and support to the Arab Republic of Egypt as re-guarantor on a private placement offering of JPY75 billion of 5-year Samurai bonds. The success of the transactions demonstrates global investor confidence in AFC’s strong credit profile and ability to deliver de-risked and transformational infrastructure projects that propel Africa to its rightful place on the global stage.

AFC’s investee company, Infinity Power Holdings, won the M&A Deal of the Year, recognising the company’s successful acquisition of Lekela Power BV, Africa’s largest wind platform, by AFC alongside partners- Infinity WorldWide, the principal sponsors of Infinity Power Holdings; Masdar, the renewable energy company of the Government of the United Arab Emirates; and the European Bank for Reconstruction and Development. The completion of the transaction signifies the increasing importance of global capital funding Africa’s key role in achieving global energy transition. AFC played a leading role in proffering an innovative funding solution, with the Corporation deploying a suite of equity and quasi-equity instruments. Following the acquisition, Infinity Power Holdings is now the largest renewable energy company in Africa, with 1.3 GW of operational projects and a 14 GW project pipeline. Through its operations, Infinity Power avoids more than 3.4 million tons of CO2 emissions per year, generates more than 4,000GWh of zero carbon energy, and powers more than 1.2 million homes, earning global recognition as a UN sustainability climate leader.

Commenting on the awards, AFC Senior Director & Treasurer, Banji Fehintola said: “We are honoured to receive these prestigious awards which not only recognise AFC’s commitment to rapid industrialisation, value capture and job creation in Africa but demonstrate the very essence of AFC as an institution with strong access to capital markets that provides innovative financing solutions to unleash Africa’s immense potential. We are immensely proud of our teams’ commitment and expertise, which enables us navigate complex financial landscapes and forge strategic partnerships that drive positive change in the region.”
Distributed by APO Group on behalf of Africa Finance Corporation (AFC).

Xisbiga WADDANI oo Bogaadiyay Haweenka Somaliland

$
0
0

Xisbiga WADDANI oo Bogaadiyay
Haweenka Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Garabka Haweenka Heer Qaran ee xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Kayse Faarax ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay haween weynaha Somaliland iyo guud ahaan haweenka adduunka maalinta caalamiga ah ee haweenka loo asteeyay ee 8 Maarij awgeed.

Guddoomiyaha ayaa Haweenka u rejaysay in ay Sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan nabad qab, horumar iyo barwaaqo siina laban laabaan dadaalkooda kaalinta ay kaga jiraan bulshada.

Marwo Foosiya ayaa si gaar ah haween weynaha Xisbiga WADDANI ugu bogaadisay doorka ay ka qaataan hawlaha xisbiga kuna boorrisay in ay sii kordhiyaan hawl qabadkooda maaddaama sanad doorasho lagu jiro.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn mustaqbal fiican u rejaysay haweenka.

Ingiriiska oo Itoobiya kala Hadlay Aqoonsiga Somaliland

$
0
0

Ingiriiska oo Itoobiya kala Hadlay Aqoonsiga Somaliland

Addis Ababa (Qaran news)- Ilo-wareedyo laga helay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, ayaa sheegay in Dowladda UK ay Aqoonsiga Somaliland kala hadashay Xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed

Warkan oo aanu ka soo xigannay warbaahinta Ethiopia qaarkood, waxa lagu sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda UK uu gelinkii hore ee Jimcaha maanta la soo xidhiidhay dawladda Itoobiya isla markaana uu kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo colaadda ka jirta gudaha Itoobiya.

Waxa la soo wariyey in Dawladda Ingiriisku sheegtay masuuliyiinta Itoobiya inuu jiro cadaadis la taaban karo oo kaga imanaya baarlamaanka UK oo culays ku saaraya aqoonsiga Somaliland.

Ilo-wareedyada laga helay Addis Ababa waxa ay intaas ku dareen in inkastoo Aqoonsiga Somaliland uu ahaa mawduuca ugu muhiimsan ay haddana labada dhinac ka wada-hadleen sidii wax looga qaban lahaa colaadda gudaha ee Itoobiya.

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>