Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all 27666 articles
Browse latest View live

Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo ka noqotay Dhul dan-gud oo Xukumadii Siilanyo bixisay+Dhul-bixintii oo la joojiyey


Wasiirka Qorsheynta Somalia oo ka hadlay ujeedka Safar uu ku joogo Gudaha Somaliland

F.C.Waraabe oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid

Wasiirada Xukumada Kornayl Muuse Biixi oo ku kala aragti duwadey qadiyad xasaasiya oo oogan

Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi oo magacaabay Raxan Agaasimeyaal Guud & Gudoomiyeyaal isagu jira

$
0
0

Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi oo magacaabay Raxan Agaasimeyaal Guud & Gudoomiyeyaal isagu jira

 

1. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

2. Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

3. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

4. Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

5. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka

6. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland

 

No More Us and Them – Disrupting Attitudes to Autism | Nura Aabe | TEDxBristol

Khilaafka dawlada hoose oo cirka isku sii shareeraaya iyo Mayarka oo ay sidato daawo

Mawqifka Kornayl Muuse Biixi ka istaagey Wareejinta Maamulka Hawda S/land loo raray Muqdisho


Siday u eekayd Somaliland 1992-gii+Mawqifkii Cabdiraxmaan Tuur

Xildhibaanka ugu tunka weyn Xildhibaanada Saaxil oo Kornayl Muuse Biixi ku taageeray Laalista Mulkiyada Dhulkii Xukumada Siilanyo Bixisay,Soona bandhigay Cida boobtay

$
0
0

https://www.youtube.com/watch?v=opgXOpXH-ME&feature=youtu.be

Liiska Guddi Kornayl Muuse Biixi u magacaabay xali u helida Qiimodhaca Lacagta Somaliland+Go’aamo kale oo ka soo baxay Madaxtooyada

YUUSUF GARAAD:Qof Mareykanka iga soo wacay ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday

$
0
0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa qoraal ka soo saaray xil-ka-qaadista uu saakay ku waabariistay kaas oo isaga iyo labo wasiir oo kale uu xilka uga qaaday ra`iisal wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Qoraalkan ayuu soo dhigay barihiisa bulshada.

HADABA QORAALKA YUUSUF GARAAD AYAA U QORNAA SIDATAN:

Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada,  ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.

Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay.  Wuuna ii xaqiijiyay.  Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.

Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa.  Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin.  Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.

Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday.

Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.

Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo  aamminaad aad u weyn.  Waan ka mahadcelinayaa.

Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay.

Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn.  Xiriir dhowna ma aynaan lahayn.  Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa.  Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn.

Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa.  Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay.  Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto.

Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran.  Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin.

Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan.

Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin.

Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa.  Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin,  in ay  ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda.

Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha.  Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin.  Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado.

Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo.  Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka.

Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri.

Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay i dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay.

Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay.

Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay.

Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl  igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin.

Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan afar jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka.

Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda.

Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka ciladda haysata Dowladnimada Soomaaliya.

Akhriso: Taariikhda 3-da Wasiir ee Cusub Ee Farmaajo ku bedelay Sadexdii wasiir ee uu eryayay saaka

$
0
0

Akhriso: Taariikhda 3-da Wasiir ee Cusub Ee Farmaajo u magacaabay bedelka Sadexdii wasiir ee uu eryayay saaka

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayrre uu xilkii ka qaaday sedax Ka mid ah Golahiisa wasiirada, Waxaana la magacaabay kuwii lagu badalay.

Wareegta ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu wasiirka Aqriyay ayaa xilkii looga qaaday Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka, iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo Wasiirkii Ganacsiga Soomaaliya Qadro Axmed Jimcaale.

Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay

Taariikhda Mudane Axmed Ciise Cawad:

Axmed Ciise Cawad, waxaa uu dhashay 1955-tii, waxbasrahadiisa jaamacadeed heerka 1aad waxaa ka dhameeyay Concordia University Montreal, halka Master uu ka sameeyay Institute of Peace and security Studies ee Adis Ababa University, waxaa uu sidoo kale  PHD Candidate ka yahay Sudan University of Science and Technology, Khartoum.

Ambassador  Axmed Ciise Cawad, Waxaa uu ka soo shaqeeyay meelo badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Darur.

2015-kii wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

January 4, 2018, Waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Taariikhda: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye:

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade.

Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.

2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid

December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka  ganacsiga iyo warshadaha.

Taariikhda: Cabdi Mohamed Sabriye

Mudane Cabdi Mohamed Sabriye waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1957-dii, isaga oo waxbarashada hoose ku qaatay ( Matabaan), dhexe (Dhuusamareeb) iyo Sare (Galkacyo), kadib waxaa Jaamacadda heerka 1aad kuliyadda Injineeriga ka dhameeyay Gaheyr isaga oo Master ka qaatay Newcastle University.

Dhanka shaqada:

Mr. Cabdi Mohamed Sabriye, sanadihii 1982-1990-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda howlaha guud, wakaaladda dhismaha.

1994: Waxaa uu ka shaqeeyay ururka midowga Afrika, waaxda guriyeyta iyo bey’ada, waxaa kale oo uu muddo ka shaqeynayey UNDP.

1994-2018: Waxaa uu ahaa ganacsade.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye.

Xasan Cali Khayrre ayaa hore xilkii uga qaaday Wasiirkii Arimaha diinta iyo Aw-qaafta xilkaas oo aan wali badalkiisa la magacaabin halka ay hore isku casi-shay Wasirka gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Maryan Qaasim oo aan iyadana wali badalkeeda la magacaabin.

Diirada wasiirka maaliyada oo aan wali qaban magafaha kasanka Berbera

$
0
0

DIIRADA WASIIRKA MAALIAYADA OO AAN WALI QABAN MAGAFAHA KASTAMKA BERERA

(MAAMAULE XIGEENKA 1-AAD).

Tan iyo markii la aasaasay kastmaka dekeda berbera waxa ka hawl
geli jiray shaqaalo kala duwan oo saddexdii biloodba mar la isku badeli jiray wasiirka maaliyada oo kastamku uu hoostago waaxaha uu maamulo ayaa isku badal ku sameyn jiray iyadoo loo badeli jiray kastamada kale ee dalka halka qaarkoodna la geyn jiray xarunta dhexe ee wasaarada maaliyada.

Hadda maamule xigeenka kastamka berbera Cabdilaahi Caydiid Jaamac tan iyo intii dhidiba loo taagay kastamka berbera ayaa mar walba ka badbaadi jiray isku badalkees waxaana taas usuuro geliyey sharciga shaqaalaha iyo shaqadda oo dhigaaya in qofka shaqaalaha ah ee Grade-kiisu yahay (Grade D) ama darajada ugu hooseysa ku jira oo loo yaqaan (Baadhoo) Kalkaaliye Sarkaal (Assistant Officer).
Maamule Xigeenka Kastamka Berbera oo shaqaaluhu u yaqaanaan Magafaha Kastamka berbera ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay kastamka berbera xilkii ugu horeeyey ee kastamka berbera ka qabtaa waxay ahayd Chief Exam oo ah Madaxa Waaxda Barxada ama Jiifka Barxada xilkaas oo uu u magacaabay Maareeyaha Haamaha Shiidaalka berbera oo wakhtigaas maamulaayey kastamka Berbera Maxamuud Gahayr, Cabdilaahi Caydiid wakhtigaas xilka barxada loo dhiibay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaarada maaliyadu may dalacasiin darajadiisa shaqaalenimo Wuxuuna Xilka qabtay isagoo Grade-D ah ama Baadhoo ah taaso uu ku helay laaluush iyo khibradiisa tuuganimo ee lunsiga dakhliga dawlada waxaanay taasi niyad jab ku keentay shaqaalihii wakhtigaas ee kala hawl geli jiray kastamka weliba saraakiishii uu u ahaa Kalkaaliyaha ee uu karaantoonta u jeexjeexi jiray markey hubinayaan cashuurta alaabta (Goods Tax)ayaa madax looga dhigay, Maamule Maxamuud Gahay ayaa noqday maamulihii u horeeyey ee jebiyey xeerkii shaqada iyo shaqaalaha oo dhigaaya in qof shaqaale dawladeed ah oo grade-kiisu yahay Grade D ama Baadhoo aanu maamuli Karin shaqaale ka darajo sareeya.

Waxa sidoo kale aan indhaha laga qarsan karin tacadiyada uu ku hayo shaqaalaha kastamka siiba dhalinyaradda jamiciyiinta ah ee uu tuhmaayo in ay booskiisa ka qaadayaan kuwaas oo uu mar walba la daba joogo dacwad been abuur ah kuna diro maamulka kastamka waxa tusaale kuugu filan wakhtigii maamule maxamuud gahayr in mu’amaradeeyey kuna diray maamulkii wakhtigaa Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo wakhtigaa ka mid ahaa shaqaalaha kastamka imikana ah wasiirka wasaarada maaliyada oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne muuse biixi cabdi, Wasiir yuusuf wakhtigaa wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha ugu firfircoon uguna aqoonta badan shaqaalihii wakhtigaa ka hawl geli jiray kastamka berbera waxa dhacday in xafiiska xoghaynta maamulaha la keenay Computer iyadoo wakhtigaa lagu shaqayn jiray Teeb isticmaalka aalada computerka oo gabi ahaanba wadanka naadir ku ahaa ayaa la waayey qof cilmigiisa yaqaana oo ku shaqeeya marka laga reebo wasiir yuusuf oo isagu aqoon fiican u la adeegsigiisa ayuu maamule maxamuud gahayr ka dalbaday inuu ku shaqeeyo kuna qoro document-yada kala duwan ee xafiiskiisa ka baxaaya, akhirkiina wasiir yuusuf ayaa iskii uga badashey kastamka berbera markii uu u adkeysan kari waayey hagardaamada iyo wanjalka ay ku hayeen baadhooyadii uu saraakiisha ka dhigay maamulkii wakhtigaas.

Cabdilaahi Caydiid Jaamac isagoo adeegsanaaya laaluush wuxuu ka dalacay booskii Chief Exam-ka ee ahaa madaxa waaxda barxada waxaana loo magacaabay OUT DOOR oo ah maamulaha saddexaad ee kastamka berbera wakhtigii Marxuun Cali Bulbul Alle ha u naxariistee uu ahaa maamulaha kastamka berbera lasocoo weli waaxdii shaqadda iyo shaqaalaha ee wasaarada maaliyadu darajadii umay dalacsiin waxaana uu xilkaas qabtay isagoo weli ah kalkaaliye Sarkaal (Assistant Officer) Grade-D ama Baadho,

Shaqadda OUT DOOR-KA ayaa ah masuulka qiimaha saara entry-ga ay ku qorantahay badeecada la cashuurayo waxaanay u baahantahay masuul aqoon badan u leh tacriifada ama qiimayaasha alaabaha ka soo dega marsada berbera, ganacsatada ayaa helay fursad ay dakhliga dawlada kula baxsadaan kadib markii masuul aan aqoon u lahayn tacriifada loo dhiibay, qalinkii casaa ee lagu qiimenayey entryga ayaa gacanta u galey mukhalisiintii iyagoo qiimeystay entrygii ka dibna si dhibyar leh uga saxeexda cabdilaahi caydiid oo wakhtigaa ku magacaabnaa OUT DOOR-KA Kastamka halkaana waxa qaranka kaga lumay dakhli badan oo usoo xaroon lahaa.

Haddii Baadhis lagu sameeyo entryadii wakhtigaas waxa la helayaa qiimayaal badan oo khaldan ama alaabo lagu cashuushay qiimo aaney lahayn taas badalkeedana wuxuu siisan jiray laaluush fara badan oo u ka qaato ganacsatada.

Cabdilaahi Caydiid Jaamac isagoo adeegsanaya xirfadihiisa uu ku caano maaley waxa uu mar saddexaad u dalacay Xafiiska INDOOR-KA oo ah maamule xigeenka 1-aad ee kastamka berbera, markii uu dhintey alle ha u naxariistee maamulihii hore kastamka berbera Marxuun Cali Bulbul ayaa wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada cabdicasiis samaale usoo diray guddi ka socota wasaarada maaliyada kuwaas oo loo soo diray inay kasoo xog bixiyaan xaalada kastamka iyo cida ku haboon ee loo dhiibo gudidaas uu wasiirku soo diray waxa gurigiisa qado ugu sameeyey cabdilaahi caydiid waxaanu sooryo uga dhigay lacag faro badan oo laaluush ah taas uu ka codsaday gudidaas in marka noqdaan wasiirka uga soo dhameeyaan booska maamule xigeenka waanay usoo gashay inuu mar saddexaad dalaco iyadoon aqoontiisa lagu dalacsiin balse uu dalacsiintaa sidii caadada u ahayd laaluush ku bixiyey.

Haddaba markii xilkaa loo dhiibay wuxuu bilaabey inuu ku tacadiyo shaqaalaha iyo ganacsatada ka dib markii ay usooro geli weyday farsoomiyinkii iyo taatikadii uu ku lunsan jiray dakhliga dawlada taas oo uu hor istaagay maamulaha kastamka berbera ee imika oo ah nin musuqa xatooyada aad uga soo horjeeda shaqadiisana daacad u ah, Cabdilaahi wuxuu bilaabey inuu toorjar gareeyo ganacsatada kuna qasbo in ay siiyaan ugu yaraan Boqolkun oo lacagta s/land ah weliba intay furaha ka qaadan ayey ugu dhex ridaan gaadhigiisa sidaas waxa noo sheegay ganacsade diiday in magiciisa la sheego.

Diba ayaan idiin la wadaagi doona xogo faro badan oo ay ka mid yihiin Hantidiisa guurtada ah iyo Maguurtada ee ku kala yaala gobolada dalka sidoo kale Sharaa’ikta iyo warshadaha ugu waaweyn Somaliland ee uu sheererka ku leeyahay ayaan daaha ka faydi doona xogahaas oo dhan maaha kuwo beena waa qaar xaqiiq ah (Facts) waxaana xogahaas badankooda nasiiyey qaar ka mid ah ganacsatada iyo shaqaalaha ka hawlgala kastamka ee uu dhibta joogtada ah ku hayo.

Dhamaad

Qore  

Ismaaciil Maxamed

muuseyacni123@gmail.com

Somaliland Cannot Be where Some People Reap The Fruits And Others Play The Marbles

$
0
0

Wealth is power. And wealth is what all people like to have. It is what all people need today and will need tomorrow. There is no human who is not wealth-oriented, big or small; it all counts.

Wealth and power are the motivators of almost all people. The combination of wealth and power is what gets people started, and when people start to make a move, things change for better or worse.

There is a wealth that all people in this country deserve to share, a prosperity that neither law nor authority can deprive of any citizen. The prosperity that Somaliland people share is probably the balance of power. It is where, if intentionally denied, conflict of interest and clashes of ideas begin. It is what can pull Somaliland togather and what can basically pull it apart.

Government positions represent as national resources allocation points. They are the pipeline that quenches the demands, requirements and needs of all people. They are the shelter that gives its shade to everybody, rich or poor. Government political posts are the pivotal places where all people not only take refuge when there is adversity, but where to pledge whenever a feel for inquality arises.

Power sharing is meant to restore balance of power among Somaliland tribes in order to prevent any one entity from becoming too strong and, thus gaining the ability to enforce its will upon the rest.

The distribution of power in Somaliland is not based on the existing political party lines. Nor it is based on rainbow-coalition affiliations. It is based on tribal lines. For Somaliland is built on tribal bases. Its politics is tribal and not ideology-based platform. Somaliland political parties are neither republicans nor democrats. This is the reality on the ground, on the picture that comes upfront, on all the scenes behind the curtains. We may have different ideas and different motives but not different realities in Somaliland. For this reason, no tribe is ready to lose its share in government positions, be they public or political.

This is the common aspect of political tribal realism, where self-preservation is a primary guiding principle. No one, regardless of who one is, what position he holds, and which clan he hails from, can be blind to it at any rate.

That said, the question remains: how to strike the balance between fair and unfair in this mixed-up world — in this coalition-led Somaliland current afministration — one block blessed and the other cursed — with instant communication? Should we fight fire with fire, threats with threats?

Solutions, which fit in that frame, are likely to come if Colonel Muse Biixi and Colonel Mohamed Kahin should not take immediate review on how they have structured their administration. The government they formed, is one that is loaded from one side, a government whose largest fruits and shared prosperity sound to be planned to go to the “Rainbow coalition.”

The central point behind this is that certain clans, especially those that united in the rainbow coalition, must always have the largest privileges and benefits of all Somaliland national resources and all others play the marbles. The fact that the most powerful and beneficial ministeries went to the rainbow coalition affiliations explains the clarity to undermine the common interests. It shows that the collusion of Garadag and the gospel of Burco meeting are still underway and effectively working as planned.

We all from East and South Hargeisa communities see a series of unjust and unfair moves in this current administration. The bitter move is that Muse Biixi did not give our stake in his administration. This cannot be right and cannot be acceptable. We therefore demand our stake in the government from Muse Biixi. What we demand is what is rightfully ours.

By: Jama Falaag
jamafalaag@gmail.com

Hargeisa, Somaliland


Madaxweyne Sacad-Muuse Bes, Habar-awal Abokor Ciise iyo Maxamed Ciise soo Eeg iyo Darafyada Somaliland, Fadlan Hoggaamintii Marxuum Cigaal Dib u Milicso!.

$
0
0

Madaxweyne Sacad-Muuse Bes, Habar-awal Abokor Ciise iyo Maxamed Ciise soo Eeg iyo Darafyada Somaliland, Fadlan Hoggaamintii Marxuum Cigaal Dib u Milicso!. Qore. Farxan Cali Guuleed

Mudane Madaxweyne, adigaa Maanta Somaliland u ah Damalkii la hadhsanaayey, ama Hoggaankii Umadda, mid ku siiyey Cod badan iyo Nin-kii Beel-yaraa ee Codka aan Buurnayn Aad ka heshayba, waxay kaaga marti yihiin Cadaalad iyo Sinaan iyo inay helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah, sida xilalka sare ee Dawladda, mashaariica horumarineed iyo adeeg kastaa oo Dawladdu shacabka u metesho.
Bal aan Dib u yara milicsano hoggaamintii wacnayd ee dhaxalka wanaagsan ku suntanayd ee u qaranka u dhigay Madaxweynuhu seeska u dhigay Somaliland ee Middeeyey marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, rabi ha u naxariistee, Waxa uu kasoo jeeday Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Maxamed Ciise. Manay jirin xiligiisii Nin Maxamed Ciise iska daayo Ciise muuse ah oo xilka hayey dawladiisii, marka laga reebo reerka Abokor Ciise la yidhahdo mooyee. Way jireen oo Madaxweyne kamid baad ahayd, Marxuum Cigaal Sacad-Muuse Xilal wuu siiyey.
Haddaba Maanta Mudane Madaxweyne Muuse Biixi adigaa Somaliland hoggaamiye u ah, ilayo haddana Xukuumadadu waa bilow, Balse waxaad mooda dhinaca Beeshada Sacad Muuse, ugu saami badan yihiin, walow aanay habooneyn in qabyaalad wax lagu magacaabo, haddana isma qabato qabyaaladda way ka madhan tahay dawladaydu iyo Beeshayda Ayaan ugu xilal badinayaa?.
Sidaas daraadeed Madaxweyne Maanta waxan kugula talin lahaa inaad bal sacad Muuse beeshaada intaa inagu hakiso, oo Aad habar awal hadaad wax kaga soo darayso qaybaha dambe ka soo qaadato Labada ardaa ee Ciise Muuse, gaar ahaan Abokor Ciise iyo maxamed Ciise. Sidaas waxan u leeyahay horta uma jeedo qabyaalad, balse haddana Somaliland waa Saami qaybsi iyo wax wada lahaansho, Xukuumadada waxa lagu eedeyn karaa mid qabiil marka durba Sacad Muuse sad bursiimo lagu arko.
Ta garxajis, malaha ma qurux badnaa in Beesha habar yoonis iyo Ciidagale aad mid si gaar ah u naas-nuujisato, Waxa muuqata in dariiqii jeegaanta Aad madaxweyne adigoo ku taagan oo qaadaya aad weliba kusoo darto xulufo cusub oo Ciidagale ah. Habar-yoonis marna u malayn maayo Inay Xukuumadaada ka hor iman, balse waxan filaya inaad ku cadaadineyso Waddani ayey ahaayeen, Madaxweyne bilaa caleek midhaasna waa laga qurux badan yahay.
Teeda kale, Madaxweyne Beelaha darafyada iyaggana adigoo aqoontooda ku qiimeynaya iyo sawiirka wax wadą lahaansha, bal wax ka bedel Shaxdaadii hore, oo macal hoos u eeg Gabooyaha. Waa Bilahi Tawfiiq. Ilahay Xaqa ha kugu hanuuniyo mudane Madaxweyne, hana kaa dhigo kii Somaliland guusha iyo barwaaqada u horseedi laha.
W/Q
Farxan Cali Guuleed
E-mail Farxangul@gmail.com
Hargeysa/ Somaliland.

Madaxweyne magacaabisahan wada xigto miiska ah ma Saylici baad reer Awdal ku diraysaa mise waad Naxaqiraysaa?

$
0
0

Aan ku qadimo ugu horeyn mid hambalyo ah, midh saluuga iyo midh aan horey loo liqi karin!!.

1. Mudane madaxweyne aad ayaan ugu hanweynahay habka iyo hanaanka geedi socodka foolaada bilowga san ee aad ku illo furtay xukuumadaada oo aan aad kuugu bogaadinayo guud ahaan hab-raaceeda mudan, waayo malahayga waa sidaan aniguba yeeli-lahaa.

2. Mudane madaxweyne adiga oo xaq dastuuriya u leh magacaabista cida aad ay laabtaadu muhato sabab dan aad u bido qaranka darteed oo qayb ka ah waxa laguu doortay ; waxa soo muuq shidaneysa marka la tixraaco 3 jeer oo aad samaysay magacaabisyo 2dii dikreeto magacaabineed ee u dambeeyey in laga dhadhansan karo ( kaliya in ay yihiin magacaabisyo ku dhisan hab xigto miis u badan guud ahaan, xukun kii, caasimadii iyo xillalkii ugu badnaa ayaan qaadanayaa waxa ay u eegtahay sheekada libaaxii hilibka qaybiya ku yidhi habar-dugaag ee uu ugu dambeyntii isagu wada qaatay ); ma’aha eed iyo mala’awaal mudane madaxweyne; waa sida daahir ka ah ee cid kastoo dhaayo qabtaa tilmaansan karto; reer somaliland oo dhami indhahay ku hayaan sida aad hasha u biraynayso waaxyaheedana aad u qaybinayso waliba!!

Waxa aan kula jeclaa qof ahaan in aanad ka dhigan halbeeg talax tag ah ( sidii ay beeluhu u kala codeeyeen marka aad u xaqsoorayso beesha dhexe iyo beelaha darifyada !! madaxweyne sii mudnaanta beelaha darifyada ee aad 2dii magacaabisood ee u dambeeyey dariiq cad aad ka marisay oo aanu qofna kaga jirin , iyada oo uu madaxweyne xigeenkaagiina ku ag joogo oo aanu hoos iyo sareba u leenahay miyuu la ogyahay tallow?!!

Mudane madaxweyne Sababta aad mudnaanta koowaad u siinayso beelaha darifyadu waxa ay tahay ( cid kasta oo beelaha Awdal iyo sool ah oo aad magacowdaa ugu horeyn hargaisa ay imanayaan, cida ugu badan ee ay u shaqeynayaana waa reer hargaisa, lacag kasta oo soo gasha hargaisa ayuun bay ku cunayaan; ma jirto caasimada qiime la barbar dhigo!! magaca mooyee waxba uguma filna deegaanadoodii iyo dadkoodii midnaba; sidaa daraadeed mudane madaxweyne dhaaf dirsashada badan ee isaaqa; si aaney dawladnimadu ugu eekaan reer kalidii isku adeegaya oo wixii kaleba ay ku soo fadhi xun yihiin.

3. mudane madaxwene waxa aaney cidiba liqi karin iyada oo aaney horeyba u dhicin iyo xukun kaagii oo cusub in durba maamulkii xaafada af-gooye ee xamar uu durba dibiro dhacsi iyo daan-daansi dedan deyrka dalkeena durba ay ku war-wareegaan wusaro khiyaali fadaraal ah oo walbi BBC da ka baanaya, oo kaaga sii darane wasiirkii ka soo jeeday deegaanka ay hada ku sugunyihiina mar la wareysanaayey ( ku jawaabay jawaabo jidhkiyo jawf kuba diideen; iyada oo ay u furneyd jawaab godkeeda mudan waayo abwaan cali dhuux aadan ayaa laga hayey tuduc ka mid ah maansadiisii silsilada GUBA ( bal muu duro waxbana yaanu dillin doorar na u leyne’ ).

Fiiro gaara :

Mudane madaxweyne u qaado qormadan mid adiga ku dhisaysa oo ku dhiiri galinaysa, kugu lama jiro anigu waxa kaaga baxa biyadhaca qormadan hadaad u gar-waaqsato mid adiga lidi kugu ah.

Wanaag oo dhan rabi kugu garab galo insha’allah.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

Q.M Oo Laga Dalbaday In Kulan Deg Deg Ah Ka Yeelato Faragilinta Imaaraadka Ee Somalia

$
0
0

Q.M Oo Laga Dalbaday In Kulan Deg Deg Ah Ka Yeelato Faragilinta Imaaraadka Ee Somalia

Kooxda madax banaan ee qaramada midoobay uqaabilsan dabagalka cunaqabeenta dhanka hubka ee Saaran soomaaliya ayaa warbixn ey soo saareen wax ey usoo jeedinyeen golaha amaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeeysa in ay isugu yimaadaaan kulan deg deg ah oo ku saabsan waxa ay ku shageen fargalinta qaawan ee imaaraadku uu ku hayo soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Iimaaraadku faragalinta uu ku hayo soomaaliya ey karkaarada jabsatay, waxaana imaaraadka lagu eedeeyay inuu qarashaadka xoogan ku bixiyo siyaasadda gudaha ee soomaaliya si uu sameeyn ugu yeesho, uuna sidoo kale xariir xoogan la leeyahay siyaasin horay dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwo hadda xilal hayo.

Hay’addan ayaa sidoo kale xustay in Iimaaraadka usoo  tafa xeeytay sidii uu uburburn lahaa dowladda hadda ka jirta Soomaaliya iyada oo warbixinta lagu sheegay in  ay arintan halis ku tahay jiritaanka iyo waliba dhaganaanshaha siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya.

Faragalintan Iimaaraadka lagu eedeeyay ayaa waxa uu si cad ugu hor imaanayaa qodobadii lagu dhisay Ururka Jimciyadda qurmaha ka dhaxeeysa sida warbixinta lagu sheegay.

Waxayna Guddigaan ay Golaha amaanka ugu baaqayn in ay si deg deg ah kulan uga yeeshaan kana soo saaraan go’aankooda ku aadan dhibaatada ka dhalatay faragilinta Imaaraadka ee Siyaasadda Soomaaliya

 Halkan ka akhri:-

Daawo:Sirta ka danbaysa Sababta Dawladu imaraadka Carabtu ka leedahay Somalia

Daawo:Sida Wasiirka Qorsheynta Somalia loogu soo dhaweeyay Degmada Dhahar ee uu ka soo jeedo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Viewing all 27666 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>